Wafdigani uu Hogaaminayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, ayaa muqdisho uu yimid siddi gurmaad balaraan loo gaarsiin lahaa dadka uu saameyay Fatahaada webiga shabeelle, isaggoo sheegay inuu kulamo la qadaan doono madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya iyo guddiga Heer Qaran ee gurmadka fatahaada.
Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo qeybta Nasashada Garoonka Aadan Cabdulle Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho Kula Hadlay Warbaahinta Ayaa Ugu Horeyn Ka Warbaxiyay Xaladahii U Danbeyaay iyo Sameynta Dhibaatooyinka Fatahaadaha ay ku yeeshen Deeganada Hirshabelle.
Sido Kale Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in dadka Deeganada Hirshabelle uu dhibaatooyin faro badan uu ku hayo Wabiga islamarkaane ka codsadaay Hay”adaha Deeq Bixiyeyaasha iyo Shacabka Soomaaliyed Iney Uu Gar Garaan Dadka Dhibaateysaan.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, Ayaa Ka Mahad Celiyay Doorka Dowlada Soomaaliya Ay ka Qadataay Garab Istaaga iyo Caawinta Dadka uu Saameyay Fatahaada wabiga ,isagoona sheegay iney wadaan dadaalo looga gurmanayo deeganada sameynta weyn uu ku yeeshaay Fatahaada wabiga
Madaxweyne Waare oo ku sugnaa muddooyinkii u dambeeyay magaalada Beledweyne ayaa door Muhiim ka qaatay samatabixinta dadka ay guryahooda ka barakiciyeen daadadka Wabiga Shabeelle ee magaalada Beledweyne, iyadoo uu la qeybsaday Madaxweynaha Dhibaatada dadka saameynta culus ay ku yeesheen fatahaada.