Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sawirro+Maamulka Puntland oo sii daysay Maxaabiis Soomaali iyo Ajaanib isugu jirta

caqiil by caqiil
May 11, 2018
in Wararka
0
Sawirro+Maamulka Puntland oo sii daysay Maxaabiis Soomaali iyo Ajaanib isugu jirta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamada sare ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Shalay oo Khamiis ahayd u fariisatay dacwad ka dhan ahayd Maxaabiis u dhalatay Dalka Iraan, kuwaas oo loo haystay inay si sharci darro ah kaga kalluumaysanayeen Xeebaha Dalka Soomaaliya, gaar ahaan degaannada uu maamulka Puntland ka arrimiyo.

Maxabiistan oo xilligii lasoo qabanayay oo ahayd 5/10/2017-kii laga dilay Naaquudihii Doonta, markii uu isku dayay inuu baxsado ayaa mudo 8 Bilood ah waxay ku jireen Xabsiga dhexe ee Boosaaso, Waxana horay u xukuntay Maxkamada darajada Koowad ee Gobalka Bari.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda sare ee Puntland Maxamuud Xassan iyo Xeer Ilaaliyaha Gobalka Bari, Bashiir Hobaley, ayaa dhagaystay eedeymaha loo haystay 17-ka Nin ee Iiraaniyiinta ah.

Gudomiye Ku Xigeenka Maxkamada Sare ee Puntland Nuur Ciise Maxamed , ayaa dhagaysiga ka dib wuxuu Xorriyaddoodii u celiyay 17-ka Maxbuus ee Iiraaniyiinta ahaa iyo Wakiilkii Doonta oo Soomaali ahaa.

Doonta Al-Saciidiya ee ay wateen Kalluumaysatada Iiraaniyiinta ah ayaa waxaa la wareegay maamulka Puntland, halka magta Naaquudihii Doonta oo Sunna ahaa lana oran jiray Xaydar Cabdalla, ay Maxkamaddu ku xukuntay in uu la wareego maamulka Shirkadda Al-Saciidiya.

Dhinaca kale Saraakiisha Maxkamada sare ee puntland ayaa kormeeray Xabsiga dhexe ee Magaalada Boosaaso, halkaas oo ay ku xiran yihiin Maxaabiis Sooomaali u badan oo dembiyo kala duwan loo haysto, waxaanay Maxaabiista ka waraysteen xaaladda Xabsiga ay ku nool yihiin iyo caqabadaha haysta.

Qaybo kamid maxaabiista ku xiran xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso oo dembiyo fudud loo haystay ayey Maxkamadu ammartay in xorriyaddooda dib loo siiyo ka hor Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo ay Maalmo yar uun ka harsan yihiin.

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabelle oo Muqdisho u yimid Caawinta Dadka ay saameysay Fatahaada “Sawirro”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho Jimce 11-5-2018

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho Jimce 11-5-2018

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho Jimce 11-5-2018

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In