Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Horumarka ka socda Puntland waa guul u soo hoyatey Soomaaliya oo dhan’’

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Horumarka ka socda Puntland waa guul u soo hoyatey Soomaaliya oo dhan’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka soo degay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, isagoo maalinta beri si rasmi ah magaalada uga furi doona garoon diyaaradeed oo cusub oo caalami ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Boosaaso si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Gaas, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka, maamulka Puntland, iyo shacabka magaalada Boosaaso.

Related posts

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

March 31, 2026

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay booqashada uu ku yimid Boosaaso oo furitaanka garoonka ka sokow, uu ka qeybgeli doono munaasabadda lagu xusayo sannad guuradii 1-aad ee ka soo wareegtay markii Madaxweyne Gaas loo doortey jagada madaxtinimada maamulka Puntland.

“Hirgelinta garoonkan casriga ah waa guul u soo hoyatey Soomaaliya oo dhan, gaar ahaan shacabka reer Puntland. Waa wax lagu farxo in Boosaaso oo ah magaalo ganacsi oo xeebta ku taalla ay ku tallaabsato horumarkan weyn oo wax ka tari doona dhaqaalaha Soomaaliya. Waxaan bogaadinayaa hoggaanka maamulka Puntland hawsha wanaagsan ee ay hayaan ee dhinaca horumarka, waxaana si gaar ah hambalyo ugu dirayaa Madaxweyne Gaas oo u dabaal-degaya sannad guuradii 1-aad tan iyo markii uu xilka qabtey’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in inta uu joogo Boosaaso, uu sidoo kale ka qeybgeli doono kulamo wadatashi oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya iyo dib u dhiska qaranka.

Previous Post

Wafdi Uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post

Shirweynaha  guddiga Olombikada Soomaliya oo  lagu qabtay Muqdisho-Sawirro

Next Post
Shirweynaha  guddiga Olombikada Soomaliya oo  lagu qabtay Muqdisho-Sawirro

Shirweynaha  guddiga Olombikada Soomaliya oo  lagu qabtay Muqdisho-Sawirro

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro Iyo...

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
0

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In