Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi Uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wafdi Uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Dhuusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afhayeenka Baarlamaanka waxaa wehliya Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, 25 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xildhibaanno ka tirsan
baarlmaanka dowlad goboleedka Galmudug waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey qeybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiinta Ahlu Suna Wal Jamaaca ee gobollada Dhexe.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay munaasabad soo dhaweyn aheyd oo wafdiga loogu sameeyey xarunta Madaxtooyada ee magaalada Dhuusamareeb ayaa u mahad celiyey shacabka
iyo maamulka halkan sida ay usoo dhaweeyeen waxaana dhanka kale ay Xildhibaannadu tilmaameen in loo baahan yahay nabad iyo dib u heshiisiin dhab ah.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026

Sheekh Maxamed Shaakir oo ka mid ah hogaanka Culumaa’udiinka Ahlu Suna Wal Jamaaca ee gobollada Dhexe oo munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa sida ay u
aqbaleen marti qaad ay u fidiyeen waxaana uu dhanka kale tilmaamay iney soo dhaweynayaan wafdiga wax walba oo ay u keenaanna ay diyaar u yihiin.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa ugu horeyn yiri “maanta waa maalin
taariikhi ah, uma ahan taariikhi in aan Dhuusomareeb nimid laakiin waxey ku tahay in nin meel ku oodan oo aan u nimid inaan shacabkiisa la heshiisiinno uu na cambaareeyo, waxa aan u nimid inaan dhageysano cabashadiinna maadaama aad tihiin shacabka aynu metelno” .

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo gebagebadii jeediyey Khudbaddii ugu dambeysay ayaa u mahad celiyey maamulka iyo shacabka gobollada dhexe sida ay u soo dhaweeyeen wafdigiisa waxaana uu yiri “ waxaan ahay ergey uu soo diray Madaxweynaha Soomaaliya, nabadda iyo midnimadda Umadda Soomaaliyeed marna gor gortan kama galeyno waxaa la joogaa xiligii isku tanaasulka waxaanna codsaneynaa inaad nabadda nagu raacdaan, dowladda diyaar ayey idiin tahay” .

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ballaaran ee uu hogaaminayo oo caawa ku hooyan doona magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa kulammo la qaadan doonna qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe.

2d9a0242-42e3-4447-9996-310c3e555c1b 2f23ce22-6aa6-43a7-bfd5-a08b4ce3484f 6c9fa829-304b-40b7-b4ab-0e4e03762ed8 81eab79d-e808-4e2e-b2e6-ad7e2f3b595b 248fb953-7218-4419-8742-b6a163ccbbd8 5392bf8b-9d47-40e4-bd55-faacdcd85d84 405593f0-c1ac-4e05-9f88-d66a777ea8f1 1218886a-7134-4bc3-ae5a-2fc8e059e304 ac9ab435-8e49-444a-8ff5-b1691dda9b49 b62944af-cd45-4c0d-a4cc-65b4c24ce33c c98940f3-2957-4f82-abf2-55442b513890 dee50f6b-50e9-4bbd-aba0-a7678adc2994 fcdccb04-602d-4adf-a89b-b295d88a7744

Previous Post

Marwda Koowaad ee Madaxweynaha oo qalab dhismo ugu deeqday xarunta wasaaradda howlaha guud

Next Post

Madaxweynaha: “Horumarka ka socda Puntland waa guul u soo hoyatey Soomaaliya oo dhan’’

Next Post
Madaxweynaha: “Horumarka ka socda Puntland waa guul u soo hoyatey Soomaaliya oo dhan’’

Madaxweynaha: “Horumarka ka socda Puntland waa guul u soo hoyatey Soomaaliya oo dhan’’

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In