Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘’Ilaalinta sharciga waa furaha lagu gaari karo dowladnimo hufan oo cadaalad iyo sinaan ku dhisan’’

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha: ‘’Ilaalinta sharciga waa furaha lagu gaari karo dowladnimo hufan oo cadaalad iyo sinaan ku dhisan’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

unnamedMuqdisho, 6 September 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta rasmi ahaan u furey tababarka ilaa 398 ruux oo dhowaan ku biirey Ciidammada Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ku bogaadiyey hoggaanka booliska tallaabada ay fursado shaqo iyo xirfadeedba ugu fidiyeen dhalinyaradan cusub ee ka soo baxay Jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee dalka.

Related posts

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026

“Mar walba oo la xoojiyo tayada ciiddamada amniga, waxaa sii kordheysa kalsoonida lagu qabo iyo waxqabadka hay’adaheena amniga. Sharciga iyo kala dambeynta waxaa ay sal u yihiin in la helo dowladnimo caadil ah oo dadka si wanaagsan u xaq soorta’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale booliska iyo hay’adaha sharciga xusuusiyey inaanu jirin cid sharciga ka sareysa.

‘’Waa in sharciga loo sinnaadaa, cid walbana la marsiiyaa sharciga haddii lagu helo inuu dembi galey. Qofna yaan loo eegin darajadiisa , saaxiibtinimo iyo waxyaabo kaleba mar hadduu sharciga jebiyey, waayo sinnaanta ayaa ah tan soo celin karta kalsoonida shacabka, isla markaana dhiseysa nidaam caafimaad leh oo ku dhisan kala dambeyn’’.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in dhalinyaradan cusub ee haatan ku soo biirey ciidanka ay qeyb ka yihiin qorshaha dib u dhiska ciidammada iyo diyaarinta jiil cusub oo hawsha kala wareegi doona ciidanka hadda jira marka ay hawlgab noqdaan.

Munaasabadda waxaa kale oo ka soo qeybgaley Wasiirka Amniga Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, saraakiil ka tirsan ciidammada, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

Previous Post

Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Qal-qalgalin Siyaasadeed Ku Tilaamay Mooshinka laga Keenay M.weynaha+Sawirro

Next Post

Wasiir Cabdullaahi Colaad: “Bandhig dhaqameedkii soo nooleynta dhaqanka berri ayaa la soo xirayaa”

Next Post
Wasiir Cabdullaahi Colaad: “Bandhig dhaqameedkii soo nooleynta dhaqanka berri ayaa la soo xirayaa”

Wasiir Cabdullaahi Colaad: “Bandhig dhaqameedkii soo nooleynta dhaqanka berri ayaa la soo xirayaa”

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In