Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘’Ilaalinta sharciga waa furaha lagu gaari karo dowladnimo hufan oo cadaalad iyo sinaan ku dhisan’’

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha: ‘’Ilaalinta sharciga waa furaha lagu gaari karo dowladnimo hufan oo cadaalad iyo sinaan ku dhisan’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

unnamedMuqdisho, 6 September 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta rasmi ahaan u furey tababarka ilaa 398 ruux oo dhowaan ku biirey Ciidammada Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ku bogaadiyey hoggaanka booliska tallaabada ay fursado shaqo iyo xirfadeedba ugu fidiyeen dhalinyaradan cusub ee ka soo baxay Jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee dalka.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

“Mar walba oo la xoojiyo tayada ciiddamada amniga, waxaa sii kordheysa kalsoonida lagu qabo iyo waxqabadka hay’adaheena amniga. Sharciga iyo kala dambeynta waxaa ay sal u yihiin in la helo dowladnimo caadil ah oo dadka si wanaagsan u xaq soorta’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale booliska iyo hay’adaha sharciga xusuusiyey inaanu jirin cid sharciga ka sareysa.

‘’Waa in sharciga loo sinnaadaa, cid walbana la marsiiyaa sharciga haddii lagu helo inuu dembi galey. Qofna yaan loo eegin darajadiisa , saaxiibtinimo iyo waxyaabo kaleba mar hadduu sharciga jebiyey, waayo sinnaanta ayaa ah tan soo celin karta kalsoonida shacabka, isla markaana dhiseysa nidaam caafimaad leh oo ku dhisan kala dambeyn’’.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in dhalinyaradan cusub ee haatan ku soo biirey ciidanka ay qeyb ka yihiin qorshaha dib u dhiska ciidammada iyo diyaarinta jiil cusub oo hawsha kala wareegi doona ciidanka hadda jira marka ay hawlgab noqdaan.

Munaasabadda waxaa kale oo ka soo qeybgaley Wasiirka Amniga Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, saraakiil ka tirsan ciidammada, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

Previous Post

Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Qal-qalgalin Siyaasadeed Ku Tilaamay Mooshinka laga Keenay M.weynaha+Sawirro

Next Post

Wasiir Cabdullaahi Colaad: “Bandhig dhaqameedkii soo nooleynta dhaqanka berri ayaa la soo xirayaa”

Next Post
Wasiir Cabdullaahi Colaad: “Bandhig dhaqameedkii soo nooleynta dhaqanka berri ayaa la soo xirayaa”

Wasiir Cabdullaahi Colaad: “Bandhig dhaqameedkii soo nooleynta dhaqanka berri ayaa la soo xirayaa”

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In