Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Indonesia Oo Warqadaha Safiirnimo Ka Guddoomay Safiirka Dowlada Soomaaliya Ay U Magacowday Dalkaasi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Indonesia Oo Warqadaha Safiirnimo Ka Guddoomay Safiirka Dowlada Soomaaliya Ay U Magacowday Dalkaasi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Maanta oo ay taarikhdu tahay 13 November, 2015 oo Jimce ah ayaa Mudane Cabdixakiim Ugaas Cali Yasin Danjiraja Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia uu Waraaqihii Aqoonsiga ee Danjienimo  ka guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Indonesia Md. Joko Widodo.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Kaddib xafladda waraaqo guddoomidda ayaa wuxuu Madaxweyne Joko ku soo dhaweeyay Danjire Cabdixakiim kulan soo dhaweyn ah oo ay uga wada hadlayeen xiriirka labadaba wadan, markaas oo uu Danjire Cabdixakiim gaarsiiyay salaan uu uga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Danjire Cabdixakiim ayaa sidoo kale gaarsiiyay Madaxweynaha Indonesia in Soomaaliya ay daneyneyso xoojinta xiriirka labada wadan, maalgashiga Indonesia ee wadanka iyo khibradaha labada wadan. sidoo kale Madaxweynaha Indonesia iyo Danjiraha Soomaaliya waxay isla meel dhigeen booqasho uu Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud uu ku tagi doono dalka Indonesia.

Madaxweynaha Indonesia ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay Danjire Cabdixakiim masuuliyadda Qaran ee loo igmaday, una rajeeyay inuu Ilaahay u fududeeyo. sidoo kalena ballan qaaday in Indonesia ay xooojin doonto wax la qabsiga Soomaaliya iyo sidii ay uga taageeri lahayd intii awoodeeda ah ka gudbida xaaladaha maanta taagan.

Ugu dambeyn kulanka ayaa ku soo gaba gaboobay jawi aad u wanaagsan. Waxaa goobjoog ka ahaa kulanka Wasiiradda Arrimaha Dibedda Indonesia Marwo Retno Marsoodi, Wasiirka Ku-Xigeenka iyo Madax sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Wasiirka Madaxtooyada dalkaasi.

Danjire Cabdixakiim presiden_jokowi

Previous Post

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Arrinta La Xiriirta Gidaarka Kenya Ay Ka Dhiseyso Xadka Soomaaliya Iyo Kenya “Dhageyso+Sawirro”

Next Post

Wasiir Farkeeti Oo dalka dib ugu soo noqoday kadib  shirar muhiim ah uga soo qayb galay Sacuudiga iyo Kuwait “Sawirro”

Next Post
Wasiir Farkeeti Oo dalka dib ugu soo noqoday kadib  shirar muhiim ah uga soo qayb galay Sacuudiga iyo Kuwait “Sawirro”

Wasiir Farkeeti Oo dalka dib ugu soo noqoday kadib  shirar muhiim ah uga soo qayb galay Sacuudiga iyo Kuwait "Sawirro"

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In