Wednesday, December 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: Istiraatijiyada Qaran ee ka hortagga argagaxisada (CVE)

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: Istiraatijiyada Qaran ee ka hortagga argagaxisada (CVE)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

EIDCVE1

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka daah furey qorshaha istiraatiijiyada qaranka ee ka hor tagga argagaxisada rabshadaha wadata taas oo loo soo gaabiyo CVE isla markaana loogu magac daray TUBTA TOOSAN.

Related posts

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

December 17, 2025
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025

Munaasabadda lagu daah fureyay qorshan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay ra’iisul wasaaraha dalka ku xigeenkiisa, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiil ciidan oo uu kamid yahay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, oo ah isku dubaridaha qorshahan ayaa munaasabadda ka sheegay in qorshahan uu soo socda 10 kii bilood ee la soo dhaafay isla markaana uu hadda meel wanaagsan marayo loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya hadda leedahay qorshe qaran oo ah ka hortagga argagaxisada taas oo keeni doona in la yareeyo fekirka argagaxisada iyo saameyntiisa.

“Anaga oo ah madaxda Soomaalida waxaan u xil saarnay qorshaha istiraatiijiyada ka hortagga argagaxisada Xildhibaan Mustaf Dhuxulow si uu ugala shaqeeyo hey’adaha arimahan ay quseyso ayagoo sidoo kale la kaashanaya maamulada dalka ka jira iyo ururada bulshada rayidka ah,” ayuu yiri madaxweynaha.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale, waxaa uu u mahadceliyay xildibaan Mustaf Dhuxulow iyo Engineer Yariisow oo barnaamijkan ka wada shaqeeyay, isagoo sidoo kale u mahad naqay midowga Yurub oo qorshahan sidoo kale gacan ka geystay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale, waxaa uu sheegay in qorshahan uu wax badan ka tari doona adkeynta amniga qaranka.

“Sababta aan ugu baahannahay istiraatiijiyada qaran ayaa ah maadaama dhalinyaradeena ay inta dhibane u yihiin argagaxisada rabshadaha wadata. Argagaxisada rabshadaha wadata waxaa ay saameeyaan carruur aad u da’yar sidaa darteed waa qorshe anaga leenahay,” ayuu markale  yiri madaxweynaha.

Ugu dambeyntii madaxweynaha dalka ayaa ugu baaqay qaramada midoobay in qorshahan laga hergeliyo guud ahaan wadamada caalamka si looga hortago fekirka argagaxisada ee dhibaatada ku haya caalamka, isagoo sheegay in uu ku faraxsan yahay in Soomaaliya qorshahan ay fulisay kuna dhaqmayso.

 

Previous Post

Injineero militiri oo AMISOM tababar siinaya

Next Post

Wufuud hor u dhac u ah madaxda shirka qeybgalaysa oo soo gaaray Muqdisho

Next Post
Wufuud hor u dhac u ah madaxda shirka qeybgalaysa oo soo gaaray Muqdisho

Wufuud hor u dhac u ah madaxda shirka qeybgalaysa oo soo gaaray Muqdisho

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

December 17, 2025
0

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar uga furay ku dhowaad 90...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

December 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xuska 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

December 16, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In