Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: Istiraatijiyada Qaran ee ka hortagga argagaxisada (CVE)

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: Istiraatijiyada Qaran ee ka hortagga argagaxisada (CVE)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

EIDCVE1

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka daah furey qorshaha istiraatiijiyada qaranka ee ka hor tagga argagaxisada rabshadaha wadata taas oo loo soo gaabiyo CVE isla markaana loogu magac daray TUBTA TOOSAN.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

March 11, 2026
Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026

Munaasabadda lagu daah fureyay qorshan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay ra’iisul wasaaraha dalka ku xigeenkiisa, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiil ciidan oo uu kamid yahay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, oo ah isku dubaridaha qorshahan ayaa munaasabadda ka sheegay in qorshahan uu soo socda 10 kii bilood ee la soo dhaafay isla markaana uu hadda meel wanaagsan marayo loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya hadda leedahay qorshe qaran oo ah ka hortagga argagaxisada taas oo keeni doona in la yareeyo fekirka argagaxisada iyo saameyntiisa.

“Anaga oo ah madaxda Soomaalida waxaan u xil saarnay qorshaha istiraatiijiyada ka hortagga argagaxisada Xildhibaan Mustaf Dhuxulow si uu ugala shaqeeyo hey’adaha arimahan ay quseyso ayagoo sidoo kale la kaashanaya maamulada dalka ka jira iyo ururada bulshada rayidka ah,” ayuu yiri madaxweynaha.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale, waxaa uu u mahadceliyay xildibaan Mustaf Dhuxulow iyo Engineer Yariisow oo barnaamijkan ka wada shaqeeyay, isagoo sidoo kale u mahad naqay midowga Yurub oo qorshahan sidoo kale gacan ka geystay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale, waxaa uu sheegay in qorshahan uu wax badan ka tari doona adkeynta amniga qaranka.

“Sababta aan ugu baahannahay istiraatiijiyada qaran ayaa ah maadaama dhalinyaradeena ay inta dhibane u yihiin argagaxisada rabshadaha wadata. Argagaxisada rabshadaha wadata waxaa ay saameeyaan carruur aad u da’yar sidaa darteed waa qorshe anaga leenahay,” ayuu markale  yiri madaxweynaha.

Ugu dambeyntii madaxweynaha dalka ayaa ugu baaqay qaramada midoobay in qorshahan laga hergeliyo guud ahaan wadamada caalamka si looga hortago fekirka argagaxisada ee dhibaatada ku haya caalamka, isagoo sheegay in uu ku faraxsan yahay in Soomaaliya qorshahan ay fulisay kuna dhaqmayso.

Previous Post

Injineero militiri oo AMISOM tababar siinaya

Next Post

Wufuud hor u dhac u ah madaxda shirka qeybgalaysa oo soo gaaray Muqdisho

Next Post
Wufuud hor u dhac u ah madaxda shirka qeybgalaysa oo soo gaaray Muqdisho

Wufuud hor u dhac u ah madaxda shirka qeybgalaysa oo soo gaaray Muqdisho

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedisay shirka Haweenka Adduunka ee ka socda magaalada New...

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In