Saturday, September 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

FAAHFAAHIN: Madaxweynaha iyo madaxda gobolladu maxay ka yiraahdeen shirkii Garowe?

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
FAAHFAAHIN: Madaxweynaha iyo madaxda gobolladu maxay ka yiraahdeen shirkii Garowe?

SAMSUNG CAMERA PICTURES

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkii magaalada Garoowe uga socday dawladda federaalka ah iyo dawlad-goboleedyada xubnaha ka ah ayaa maanta la soo gabagabeeyey ayadoo laga soo saaray warmurtiyeed ka kooban 7 qodob. oo uu warbaahinta u akhriyay Afhayeenka madaxtooyada Daa’uud Aweys Jaamac.

Halkan ka dhagayso

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/05/WAR-murtyeedkii-shikii-garoowe-ka-socday-waxaa-aqrinaya-afhayeenka-madaxweynaha-Daauud-Aweys-by-abdi-Hasan-awoowe.MP3-2-MAY-2015.mp3

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ShariifXasan Shiikh Aadan oo saxafadda la hadlay ayaa yiri.

“Waxaan rajaynaynaa in dalka Soomaaliya uu dhibaatada ka baxo kuwa nabad-diidka ahna laga adkaado dalka Soomaaliyeedna uu nabad noqdo oo uu isku furmo, degmo degmo u gudbi karta way yartahay marka laga reebo Puntland. Waxaan codsanaynaa wixii halkaan lagu wada gaaray in laga wada shaqeeyo, binu aadamku hadday wax gaarayaan waa la is jiidjiidayaa marka wixii la jiid jiday inaan loo arag in qolo loogu dan leeyahay amaqolo lagu riixaayo”.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa isna ka hadlay madasha.

“Waxaan rajaynayaa qolyaheenna shirka yimid hadal badan iyo jiitan badan, maxaam hadda qabannaa iyo Maxaan dib ka qabannaa ayaa laga wada hadlayey, dadkuna in badan waa usoo dhego taagayeen, marka waxaa rabaa inaan shacabka u sheego, horta waxaa guul ah in la tashado shir joogto ah uu dhaco, sidaan maalin dhaweyd ka hadlaynana la sameyndoono naadiyo kaloo baarlamaannada iyo meelo badan oo kale inay ku kulmi doonaan dhaqanka loo sameyn doonoo soomaalidu ay dhaqankeedii u noqon doonto, taas waxay naga kaafin doontaa inaan niraahdo beesha caalamka iyo xaggee wax laga hayaa iyo xagee wax marayaan yaa inadacminayo iyo yaan saan yeelnaa”.

Madaxweynaha Puntland Cabdi welimaxamed Cali Gaas ayaa isna ka hadlay gabagabdii shirkan ayaa yiri.

“Su’aashu waxat tahay soomaaliya ma u baahan tahay inay tashato? Haa. cidda maanta talada laga sugayo yaa weeye? waa inta meeshaan joogta. waxa ay maanta sameeyaa iyo waxay soomaali u qabtaan ayaa taariikhdageli doona, inagu waan isku nimid waan tashannay wax adag ayaan ka wada hadlayney sababtu waxa weeye waxa laga hadlayo iyo waxa maanta taagan ayaan wax sahlan ahayd, waa la is jiidjiidayaa, waa la wadahadlayaa, kama dambeystiina wax wanaagsan oo soomali maslaxaddeed ah ayaa soo baxay”

Madaxweynaha dawladda federaal ah ee Soomaaliya Xasan shiikh Maxamuud ayaa intaas kadib ayaa khudbad ka jeediyey goobtaas.

“Sidaas ayaan meelo  dalka ka mid ah intaan u wada tagno oo u wada fariisanno ayaan wixii maalintaas ku habboon in laga yiraahdo ayaan ka wada dhihi doonnaa, wixii loo baahnaa ama Soomaaliya in la yiraahdo kuhabboonaa oo dhan ma wada dhihin, laakiin shalayna in baan dhahnay maantana in baan dhahaynaa, berri iyo maalinta ka ka dambeysa iyo kulamada ka dambeeyana hadba in baan dhihi doonnaa, illaa aan rajaynayno in dalka Soomaaliyeed kalsoonidoodii iyo niyad samidoodii iyo ku kalsoonida dawladnimada, hadday tahay dawladda dhexe iyo dawlad-goboleedyadaba dadku intay kalsoonidaas helayaan oo ay iska aaminayaan mashruucaas wuu soconayaa wadatashi weeye waa la ballaarinayaa” ayuu yiri madaxweynuhu.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sameysay madal ay ku wada hadlaan dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, taas oo looga hadlayo sidii waddanka looga saari lahaa dhibaatada ku raagtay. Kulankii 1aad ee madashan ayaa bilowgii sanadkaan lagu qabtay magaalada Muqdisho, halka kulankii labaad maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Garowe.

 

Cabdi Xasan Awoowe, Garowe.

 

Previous Post

Shirkii Garowe oo la soo gabagabeeyay-DHAGAYSO WAR-MURTIYEEDKA

Next Post

Xarunta Dhaqanka ‘ Cilmibaarista iyo Akhriska ee Awjaamac oo Daahfurtay Barnaamij Da’yarta loogu Gudbinayo Taariikhda Soomaaliya”Sawirro”

Next Post
Xarunta Dhaqanka ‘ Cilmibaarista iyo Akhriska ee Awjaamac oo Daahfurtay Barnaamij Da’yarta loogu Gudbinayo Taariikhda Soomaaliya”Sawirro”

Xarunta Dhaqanka ‘ Cilmibaarista iyo Akhriska ee Awjaamac oo Daahfurtay Barnaamij Da’yarta loogu Gudbinayo Taariikhda Soomaaliya"Sawirro"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In