Wednesday, July 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

FAAHFAAHIN: Madaxweynaha iyo madaxda gobolladu maxay ka yiraahdeen shirkii Garowe?

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 2, 2015
in Wararka
0
FAAHFAAHIN: Madaxweynaha iyo madaxda gobolladu maxay ka yiraahdeen shirkii Garowe?

SAMSUNG CAMERA PICTURES

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkii magaalada Garoowe uga socday dawladda federaalka ah iyo dawlad-goboleedyada xubnaha ka ah ayaa maanta la soo gabagabeeyey ayadoo laga soo saaray warmurtiyeed ka kooban 7 qodob. oo uu warbaahinta u akhriyay Afhayeenka madaxtooyada Daa’uud Aweys Jaamac.

Halkan ka dhagayso

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/05/WAR-murtyeedkii-shikii-garoowe-ka-socday-waxaa-aqrinaya-afhayeenka-madaxweynaha-Daauud-Aweys-by-abdi-Hasan-awoowe.MP3-2-MAY-2015.mp3

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ShariifXasan Shiikh Aadan oo saxafadda la hadlay ayaa yiri.

“Waxaan rajaynaynaa in dalka Soomaaliya uu dhibaatada ka baxo kuwa nabad-diidka ahna laga adkaado dalka Soomaaliyeedna uu nabad noqdo oo uu isku furmo, degmo degmo u gudbi karta way yartahay marka laga reebo Puntland. Waxaan codsanaynaa wixii halkaan lagu wada gaaray in laga wada shaqeeyo, binu aadamku hadday wax gaarayaan waa la is jiidjiidayaa marka wixii la jiid jiday inaan loo arag in qolo loogu dan leeyahay amaqolo lagu riixaayo”.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

July 9, 2025
Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

July 9, 2025

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa isna ka hadlay madasha.

“Waxaan rajaynayaa qolyaheenna shirka yimid hadal badan iyo jiitan badan, maxaam hadda qabannaa iyo Maxaan dib ka qabannaa ayaa laga wada hadlayey, dadkuna in badan waa usoo dhego taagayeen, marka waxaa rabaa inaan shacabka u sheego, horta waxaa guul ah in la tashado shir joogto ah uu dhaco, sidaan maalin dhaweyd ka hadlaynana la sameyndoono naadiyo kaloo baarlamaannada iyo meelo badan oo kale inay ku kulmi doonaan dhaqanka loo sameyn doonoo soomaalidu ay dhaqankeedii u noqon doonto, taas waxay naga kaafin doontaa inaan niraahdo beesha caalamka iyo xaggee wax laga hayaa iyo xagee wax marayaan yaa inadacminayo iyo yaan saan yeelnaa”.

Madaxweynaha Puntland Cabdi welimaxamed Cali Gaas ayaa isna ka hadlay gabagabdii shirkan ayaa yiri.

“Su’aashu waxat tahay soomaaliya ma u baahan tahay inay tashato? Haa. cidda maanta talada laga sugayo yaa weeye? waa inta meeshaan joogta. waxa ay maanta sameeyaa iyo waxay soomaali u qabtaan ayaa taariikhdageli doona, inagu waan isku nimid waan tashannay wax adag ayaan ka wada hadlayney sababtu waxa weeye waxa laga hadlayo iyo waxa maanta taagan ayaan wax sahlan ahayd, waa la is jiidjiidayaa, waa la wadahadlayaa, kama dambeystiina wax wanaagsan oo soomali maslaxaddeed ah ayaa soo baxay”

Madaxweynaha dawladda federaal ah ee Soomaaliya Xasan shiikh Maxamuud ayaa intaas kadib ayaa khudbad ka jeediyey goobtaas.

“Sidaas ayaan meelo  dalka ka mid ah intaan u wada tagno oo u wada fariisanno ayaan wixii maalintaas ku habboon in laga yiraahdo ayaan ka wada dhihi doonnaa, wixii loo baahnaa ama Soomaaliya in la yiraahdo kuhabboonaa oo dhan ma wada dhihin, laakiin shalayna in baan dhahnay maantana in baan dhahaynaa, berri iyo maalinta ka ka dambeysa iyo kulamada ka dambeeyana hadba in baan dhihi doonnaa, illaa aan rajaynayno in dalka Soomaaliyeed kalsoonidoodii iyo niyad samidoodii iyo ku kalsoonida dawladnimada, hadday tahay dawladda dhexe iyo dawlad-goboleedyadaba dadku intay kalsoonidaas helayaan oo ay iska aaminayaan mashruucaas wuu soconayaa wadatashi weeye waa la ballaarinayaa” ayuu yiri madaxweynuhu.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sameysay madal ay ku wada hadlaan dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, taas oo looga hadlayo sidii waddanka looga saari lahaa dhibaatada ku raagtay. Kulankii 1aad ee madashan ayaa bilowgii sanadkaan lagu qabtay magaalada Muqdisho, halka kulankii labaad maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Garowe.

 

Cabdi Xasan Awoowe, Garowe.

 

Previous Post

Shirkii Garowe oo la soo gabagabeeyay-DHAGAYSO WAR-MURTIYEEDKA

Next Post

Xarunta Dhaqanka ‘ Cilmibaarista iyo Akhriska ee Awjaamac oo Daahfurtay Barnaamij Da’yarta loogu Gudbinayo Taariikhda Soomaaliya”Sawirro”

Next Post
Xarunta Dhaqanka ‘ Cilmibaarista iyo Akhriska ee Awjaamac oo Daahfurtay Barnaamij Da’yarta loogu Gudbinayo Taariikhda Soomaaliya”Sawirro”

Xarunta Dhaqanka ‘ Cilmibaarista iyo Akhriska ee Awjaamac oo Daahfurtay Barnaamij Da’yarta loogu Gudbinayo Taariikhda Soomaaliya"Sawirro"

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025(MUQDISHO), Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay boqollaal ka mid...

Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa ka qeybgalay...

Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka Qaran oo gaaray magaalada Jowhar

Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka Qaran oo gaaray magaalada Jowhar

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wafdi ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa  gaaray magaalada Jowhar, ee xarunta...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Shiinaha

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Shiinaha

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In