Thursday, October 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha iyo madaxda maamullada oo Baydhabo kula kulmay waakiillada Beesha Caalamka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha iyo madaxda maamullada oo Baydhabo kula kulmay waakiillada Beesha Caalamka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda xubnaha ka ah Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo oo maalintii labaad uu shirka madasha ka socdo.

Qodobada shirka looga hadley ayaa waxaa ka mid ah hannaanka doorashada 2016, guddiyada doorashada, maalgelinta iyo saadka doorashada, qoondada 30% ee haweenka ay ka helayaan goleyaasha qaranka, amniga iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in wax walba ay si habsami ah u socdaan, isla markaana ay madaxda si adag uga hadlayaan wax kasta oo fududeyn kara doorashadan taariikhiga ah ee dalka ka dhacaysa bisha August.

โ€œDoorashadan muhiim ayay u tahay dhismaha Soomaaliyada cusub ee dimoqaadiga ah.Sidaa darteed waxa alagama maarmaan ah inaan wax walba oo fiican u hurno. Sidaa daraadeed guddiyada doorashada ee heer gobol iyo heer federal, waxaan isku raacney in siyaasiyiinta laga reebo, hawlahaasina loo daayo guddiyo farsamo si aan u kasbano kalsoonida shacabka, una abuurno xaalad horseedi karta doorashooyin xalaal iyo xor ah oo dalka ka dhaca. Waxaa dhammaanteen naga goโ€™an in doorashada ay qabsoonto waqtiga loogu talagaleyโ€™โ€™, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha xusay in xoogga la saari doono sidii haweenka ay u heli lahaayeen qoondada 30% ee lagu heshiiyey in laga siiyo goleyaasha qaranka, isagoo haweenka ku booriyay inay ka shaqeeyaan inaanay farahooda ka bixin 14% kuraasta ay haatan ku leeyihiin Baarlamaanka, 16% ee ka dhimanna ay u ololeeyaan sidii ay ku heli lahaayeen.

Waxaa sidoo kale kulankaasi lagu lafaguray fududeynta maalgelinta iyo saadka doorashada iyo diyaarinta qorshe hufan oo dhinaca amniga ah.

Danjire Michael Keating, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, oo ku hadlayey magaca wakiilada beesha caalamka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan horumarka ay sameeyeen hoggaamiyeyaasha siyaasadda, isagoo ku dhiirigeliyey inay ka dhabeeyaan riyada shacabka Soomaaliyeed ee ah in doorashooyin ay dalka ka dhacaan.
Waxaa uu Mr Keating intaa ku daray in beesha caalamka ay si buuxda u taakuleyn doonto hawlaha doorashada, ayna diyaar u yihiin inay Soomaalida arrimahaas kala shaqeeyaan.

Kulankaasi kadib ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, madaxda madasha iyo wakiillada beesha caalamka waxay kulan la yeesheen guddiga u qaabilsan qoondada haweenka ee matalaadda goleyaasha qaranka oo ay iska soo qaadeen xaqiijinta kuraasta ay haweenka helayaan doorashada dhaceysa sannadkan 2016-ka.

Madaxda kulamadan ka qeybgashey ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Raโ€™iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmaโ€™arke, Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Mudane Maxamed Cumar Carte, madaxda dowlad goboleedyada, halka dhanka wakiilada beesha caalamka ay ka joogeen wakiilka Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya, Donald Yamamoto, wakiillada Midowga Afrika, Talyaaniga, Sweden, Kenya, Ethiopia, Uganda, Britain iyo kuwo kale.

Previous Post

Daawo Sawirrada: Ciidamo ka tirsan booliiska Soomaaliya oo tababar loogu soo xiray Jabuuti

Next Post

Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay gacan ku dhiiglaha dilay taliyihii nabadsugidda G/Sh/dhexe+Sawirro

Next Post
Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay gacan ku dhiiglaha dilay taliyihii nabadsugidda G/Sh/dhexe+Sawirro

Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay gacan ku dhiiglaha dilay taliyihii nabadsugidda G/Sh/dhexe+Sawirro

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

October 12, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hayโ€™adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hayโ€™adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In