Friday, July 1, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha iyo R/wasaaraha oo qaabilay wufuud kala duwan+Sawirro

July 23, 2016
in Wararka
0
Madaxweynaha iyo R/wasaaraha oo qaabilay wufuud kala duwan+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabiley wufuud kala duwan oo ka kala soctay caalamka.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa qaabilay Taliyaha Cusub ee Ciidammada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM General Cusmaan Subagle oo dhowaan xilkaasi loo magacaabey.

Related posts

Cali Guudlaawe oo Jowhar gaaray

Cali Guudlaawe oo Jowhar gaaray

July 1, 2022
Madaxweynaha Dalka oo ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon “SAWIRRO”

Madaxweynaha Dalka oo ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon “SAWIRRO”

July 1, 2022

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira, ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha u sheegay in General Subagle uu yahay sarkaal khibrad badan leh oo hawsha loo magacaabey si hufan uga soo dhalaali kara.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay gacan buuxda ku siin doonto General Subagle gudashada waajibaadkiisa.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kulan la qaatay Mr Saroj Jha iyo Mr Amara Konneh oo ka mid ah saraakiisha sare ee Bankiga Adduunka ugu qaabilsan barnaamijyada horumarinta ee dalalka colaadaha ka soo kabanaya.

Madaxweynaha ayaa saraakiisahaasi ka socotey Bankiga Adduunka oo uu wehliyo Wakiilka Bankiga Adduunka ee Soomaaliya Mr Hugh Riddell uga warbixiyey xaaladda dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumarka laga sameynayo.

Madaxda Bankiga Adduunka ayaa ballanqaadey inay ka go’an tahay inay si buuxda Soomaaliya ula shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo inuu dalku ku najaxo barnaamijyadiisa kobaca dhaqaalaha iyo dib u dhiska kaabeyaasha.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay kulan la yeesheen saraakiil ka tirsan booliska dalka Mareykanka oo dalka u yimid xoojinta wadashaqeynta ka dhexeysa booliska labada dal.

Saraakiisha ka socotey Mareykanka oo kala ah Hugo McPhee iyo John M. Harring ayaa sheegay in dowladda Mareykanka oo horeyba dhinaca tababarada ka caawineysey Soomaaliya, ay haatan diyaar u tahay inay bilowdo barnaamijyo ay labada dal isku weydaarsanayaan khibradaha shaqo iyo tiknoloojiyadda casriga ah.

e6517c76-f676-4a01-a2e6-5ca86a4917b7 624cfef4-54f2-43db-b17b-f9bc1c4d975e 3afcebbc-5b87-49aa-b26e-8d4485b2308f

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Pakistan oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Ciidanka NISA oo gaari walxaha qarxa lagu soo xiray caawa ku qabtay Muqdisho

Next Post
Waa sidee goobaha ay Caawa Qaraxyadu ka dheceen ee Muqdisho?”HALKAN KA DHAGEYSO”

Ciidanka NISA oo gaari walxaha qarxa lagu soo xiray caawa ku qabtay Muqdisho

Cali Guudlaawe oo Jowhar gaaray

Cali Guudlaawe oo Jowhar gaaray

July 1, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta dib ugu laabtay Caasimada Jowhar kadib safar uu dhawaanahaan ku...

Madaxweynaha Dalka oo ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon “SAWIRRO”

Madaxweynaha Dalka oo ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon “SAWIRRO”

July 1, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya sannad-guurada 62-aad ee xornimada iyo midnimada dalka, ayaa ubax dhigey...

Ergeyga XFS ee Ururka Iskashiga Islaamka oo la kulmay xubno ka tirsan Ururkaasi

Ergeyga XFS ee Ururka Iskashiga Islaamka oo la kulmay xubno ka tirsan Ururkaasi

July 1, 2022
0

Ergeyga Joogtada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya xarunta Ururka Iskaashiga Islaamka Ibraahim Adan Muusa ayaa la kulmay madaxa qunsulka...

Xuska 1da Luulyo oo caawa lagu qabtay Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka

Xuska 1da Luulyo oo caawa lagu qabtay Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka

July 1, 2022
0

Guud ahaan Soomaaliya ayaa looga dabaal dagay sanad guuradii ka soo wareegtay xilligii Gobollada Koonfureed ay ka xuroobeen gumeystihii Talyaaniga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In