Sunday, April 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jabuuti oo la kulmay Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta,

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jabuuti oo la kulmay Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta,
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar  Geelle iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda carabta Ahmed Abul Qeyd, ayaa ka wada hadlay arrimaha mandiqada Carabta iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga iyo wada jirka Umadda Carabeed ee Walaalaha ah iyo waliba xaalada Geeska Afrika.

Kulunakan dhex maray labada masu’uul oo ka dhacay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar,wuxuu Madaxweynaha Jabuuti aad u soo dhaweeyay dadaalka uu Xoghayaha guud ee Jaamacadda  ka geystay arrimaha wadamada Carabta iyo ka hortagga xadgudbyada ka dhanaka dadyowga carabta, degenaashaha iyo nabad ku wada noolaashaha dadyowga dalalka Carabta ee Walaalaha ah.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuu kaloo kulunkaasi ku muujiyay sida dalkiisu u daneynayo iskaashiga wadamada carabta  aragtidiisa iyo istaraatijiuyada ku wajahan dagaalada ka socoda wadanka Yeman iyo sidii  xal loogu heli lahaa soo afjarida dagaalkaasi sababay khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed intaba iyo waliba sugidda amniga Suudaanta koon-fureed iyo Soomaaliya intaba.

Dhanaka kale Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Abul-qeyb ayaa isna kulunkaasi ka cadeeyay lagama maarmaanimada sii xoojinta xiriirka Jabuuti iyo Jaamacadda Caraabta,arrimaha falastiin iyo wadciga Yeman, wuxuuna intaa raaciyay in doorashada golaha sharci dejinta Jabuuti oo la filayo inay ka dhacdo 23 ka bisha febraayo ee Sanadkan,ay Jaammacadda carabta u diri doonto  ergo goob jog ka noqota, iyadoo ka jawaabaysa codsi arrintaasi la xiriirta oo ay ka heshay Dowladda jabuuti.

Wuxuu kaloo Abul-qeyb soo hadal qaaday  mowqifka Jaamacadda carabta  ee falastiin iyo Qudus iyo dadaalka ay ku bixin doonto sidii mushkiladahaasi xal siyaasadeed oo wax ku ool ah loogu dhameyn lahaa,wuxuu kaloo soo hadalm qaaday arrimaha dalka Liibiya iyo la dagaalanka argagixisada.

Previous Post

Faahfaahin ka soo baxaysa Dhagar qabe ku dhintay Qarax uu aasayay

Next Post

Tababar ay ka qayb galayaan 50-Saxafi oo maanta ka furmay xarunta Wasaaradda Warfaafinta

Next Post
Tababar ay ka qayb galayaan 50-Saxafi oo maanta ka furmay xarunta Wasaaradda Warfaafinta

Tababar ay ka qayb galayaan 50-Saxafi oo maanta ka furmay xarunta Wasaaradda Warfaafinta

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Baydhabo kulan kula qaadatay ururrada Haweenka,...

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulan muhiim ah la-qaatay dhiggiisa, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

April 4, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashaneysa shirkadda Somali Fuel Company (SFC), ayaa maanta deeq raashin ah ku wareejisay...

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

April 4, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa ka qaybgalay munaasababad lagu daahfurayay Xarunta Shaybaarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In