Monday, September 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kormeer shaqo ku tagay Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 months ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kormeer shaqo ku tagay Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu ugu kuurgalay horumarka ka socda kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalka iyo qorshayaasha lagu casriyeynayo adeegyada dekedda.

Related posts

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo indha indheeyay xarumaha kaydka Shidaalka dekedda, bakhaarada iyo dhismaha cusub ee xafiisyada maamulka dekedda, isaga oo xog ogaal u noqday dadaalada dib u habeynta iyo casriyeynta xarumaha muhiimka ah ee dowladda iyo kor u qaadista tayada adeegyada ay helaan shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kormeerka kaddib, kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, oo uu ka dhageystay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda guud ee dekedda, horumarka laga gaaray mashaariicda socda iyo qorshaha dhismaha Dekedda Cusub ee Muqdisho oo loogu talagalay in ay daboosha dhammaan baahida dakadeed ee caasimadda, islamarkaana kor loo qaaddo awoodda ay u leedahay la tacaalidda kororka ganacsiga iyo koboca dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey in horumarinta dekedaha ay laf-dhabar u tahay kobaca dhaqaalaha dalka, kor u qaadista ganacsiga, abuurista fursado shaqo iyo xoojinta isku xirka dalka iyo suuqyada caalamka, waxa uuna kula dardaarmay masuuliyiinta Wasaaradda iyo maamulka Dekedda in ay laba jibaaraan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada dekedda.

Previous Post

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka XFS oo daah-Furay adeegga labeyk Umrah package (Xirmooyinka).

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Kulan La Qaatay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika

Next Post
Wasiirka  Arrimaha Dibadda XFS oo Kulan La Qaatay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Kulan La Qaatay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee...

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
0

Waxaa Soomaaliya laga hirgelinayaa qorshe cusub oo lagu taageerayo ganacsatada yar-yar ee Soomaaliyeed, kaas oo diiradda saaraya sidii loo fududeyn...

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026
0

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BJFS, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In