Monday, September 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo soo xiray Shir muhiim ah {SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 18, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo soo xiray Shir muhiim ah {SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ugu horeyn waxaa uu tagay Dugsiga Yaasiin Cismaan oo kamid ah xarumaha uu ka socdo  imtixaanka shahaadiga ah ee wasaaraddawaxbarashada ay ka qaadeyso ardada dhigatay dugsiyada sare
waxaanamadaxweynuha oo ay wehlisay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sareuu kormeeray qaabka uu u socdo imtixaanka isagoo mid mid u dul istaagay ardada waxaana uu madaxweynuhu bogaadiyay qaabka uu u socdo imtixaankaasi.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeeyay shir ku saabsan Qorsheynta Barnaamijka Dib u Heshiisiinta iyo Wadatashiga Bulshada oo ay soo qabanqaabisey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo gacan ka heleysa hay’adaha caalamiga.

Related posts

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

September 14, 2025
Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Kulan La Qaatay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Kulan La Qaatay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2025

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa sheegay in nabaddu ay sal u tahay nolosha iyo horumarka, isla markaana si loo gaaro ay muhiim tahay in la joogteeyo hawlaha dib u heshiisinta, bulshadana laga wada qeybgeliyo.

‘’Dowladda haatan jirtaa waxay ku dhisan tahay dib u heshiisiin. Waxaan shaki ku jirin in kala aamin bax uu ka dhex jiro bulshadeena, shacabkana waxay ka aamin baxeen dowladnimada, iyagoo taas ku saleynayaa wixii horey u soo marey. Si shakigaasi meesha looga saaro waxaan bulshada Soomaaliyeed u caddeynayaa in dowladda haatan jirta ay ku dhisan tahay inay ka shaqeyso sidii loo kasban lahaa kalsoonida shacabka, nidaamka aan dooneynana uu yahay mid loogu talagaley in looga taxaddaro inaaney soo noqon khaladaadkii horey u dhacay’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay diyaarisey hadafyo ay u aragtey in bulshada ay waxtar u leeyihiin, isla markaana shacabka la siinayo fursad ay ku go’aamiyaan mustaqbalkooda.

‘’Waddo dheer ayaan nabadda iyo barwaaqada u soo marney saddexdii sanno ee la soo dhaafey. Waxaan dejiney hadafyo muhiim ah oo qeyb ka ah Hiigsiga 2016: waxaa ka mid ah sameynta Dastuur cusub, sameynta qaab maamul oo heer qaran, iyadoo la sameynayo dowlad goboleedyo ku saleysan nidaamka federaalka. Waxaa iyana barnaamijkaas ku jira in fursad loo siiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay soo doortaan wakiiladooda heer qaran doorashooyinka dhici doona sannadka 2016’’.

Shirkan oo muddo saddex maalmood ah socdey ayaa waxaa ka soo qeybgaley ururrada bulshada, wakiillo ka socdey dowlad goboleedyada, odayaasha dhaqanka iyo marti sharaf kale.

Arrimaha ugu muhiimsan ee ka qeybgaleyaasha ay ka doodeen waxaa ka mid ah sameynta dib u heshiisiin baahsan, in la abuuro is aaminaad iyo kalsooni bulsho, isku keenidda bulshada, helista hanaan loo wada dhan yahay oo daahfuran, nidaamkanna uu noqdo mid ku baahsan Soomaaliya oo idil.

Madaxweynaha ka hor waxaa halkaasi hadallo ka jeediyay Wasiiro Dowlada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdirashiid Maxamed Xiddig, Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Dr Ismaaciil Jimcaale Calasow, iyo mas’uuliyiin kale.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed

Previous Post

Maxaa kasoo baxay shirka golaha wasiirada ee maanta”Akhriso”

Next Post

Wasiirka dhalinyarda iyo isboortiga oo ka qayb galay Ciyaaro Orod ah oo lagu xusayay ka Hortagga Gudniinka Fircooniga+Sawirro

Next Post
Wasiirka dhalinyarda iyo isboortiga oo ka qayb galay Ciyaaro Orod ah oo lagu xusayay ka Hortagga Gudniinka Fircooniga+Sawirro

Wasiirka dhalinyarda iyo isboortiga oo ka qayb galay Ciyaaro Orod ah oo lagu xusayay ka Hortagga Gudniinka Fircooniga+Sawirro

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

September 14, 2025
0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa afar fariimood ku sharaxay jabinta difaacyadii iyo...

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Kulan La Qaatay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Kulan La Qaatay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ururka Jaamacadda Carabta...

Shir looga arrinsanayo arrimaha amniga oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo

Shir looga arrinsanayo arrimaha amniga oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo

September 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GAALKACYO):- Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug, Mudane Aadan Warsame Cilmi (Deeq Gargareeto), ayaa shir gudoomiyay shirka amniga ee maanta ka...

Feeryahanad Ramla Cali oo sii diirran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shalambood si rasmi ah uga daahduray diiwaangelinta dadweynaha

September 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO(MARKA):-Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta deegaanka Shalambood oo hoos yimaada, degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose waxa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In