Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo soo xiray shirkii tacliinta sare “SAWIRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo soo xiray shirkii tacliinta sare “SAWIRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 28th 2016….Maxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray shirka dib u eegista tacliinta sare ee dalalka colaadaha ka soo kabanaya oo ay Soomaaliya ka mid tahay, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey xaflada lagu soo xirayey shirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya muhiimad dheraad ah ay siin doonta tacliinta sare ee dalka.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Madaxweynaha oo ka hadlayey waxbarsahadda Soomaaliya ayaa sheegay in dalka uu ka soo gudbay marxalado adag oo soo maray lana jogo waqti loo dhaqaaqi karo horumarin iyo wax-wadaqabsi.

β€œDalkaan waxaa horumarin kara dadkiisa, dadkeenuna waxaa horumari kara tacliinta, sidaa darteed muhiimadeenu waa inaan sare marina tacliinta, waana mid ka mid tahay ajendayaasha ugu horreeya ee horumarinta dalka iyo dowladda” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri” Ma jirto maanta maalin aan uga baahi badanahay kobcinta iyo tayeynta nidaamkeena waxbarasho. Taacliinta sare kaalin weyn ayeey ka cayaari kartaa dhisidda awoodda dadweynaha iyo dalkuba, waana in loo istaagi sidii aan u dhisi lahayn siyaasad mideysan oo ka turjumeysa tacliinta.

β€œWaan ka baxney wixii na lagu tilmaami jiray ee ahaa inaan nahay dal fashilmey, waxaana la isku raacay inaan nahay dal soo kabanaya, waana midda muujineysa in uu horumar jiro, ammaantaasi iskama imaan, waa hawl ay Soomaali qabatey oo dhiirigelinteeda leh, isla markaana muujineysa inaan si buuxda uga soo kaban karno dhibaatooyinkii aan ka dhaxalnay dagaalkii sokeeye, kuna noqon karno dal caalamka intiisa kale kula tartama horumarka” ayuu intaa raaciyey madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waxa dalka uu ka hagaagi la’yahay waa siyaasad, gaar ahaan midda qabaa’ilka ah, in aan dadkeennu fahamsiinaa dowladnimada dhabta ah waqti badan ayeey u baahan tahay wadadeeduna waan ku taaganahay hadda, Soomaaliya wax walba siyaasad ayaa lagu saleeyey, laakiin waxaan hubaa inaan ka heshiin doonno, waana sida Kaliyah ee lagu xalin karo arrintaas, dib u heshiisiin dhab ah ayaa asalka u ah xasilooni siyaasadeed” ayuiu yiri madaxweynaha.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, ayaa magaca Jaamacadda Ummadda madaxweyne Xasan Sheekh ku guddoonsiiyey Haddiyad, shirka inta uu socdeyna waxaa ka soo qeyb-galay jaamacado waa weyn oo ku yaalla wadamada Africa.

—–DHAMMAAD ——
1

2
12

011
3

4

5

6

7

8

9

Previous Post

Golaha wasiirada oo ka hadlay arrimaha samafalka iyo ciyaarihii maamul goboleedyada ee soo gaba-gaboobay

Next Post

Wasaarrada Waxbarashada oo Shaacisay natiijadda Imtixaankii Dugisyada Sare e Heer Qaran

Next Post
Wasaarrada Waxbarashada oo Shaacisay natiijadda Imtixaankii Dugisyada Sare e Heer Qaran

Wasaarrada Waxbarashada oo Shaacisay natiijadda Imtixaankii Dugisyada Sare e Heer Qaran

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In