Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo dib u habeyn ku sameeyay Golaha dhaqaalaha Qaranka

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo dib u habeyn ku sameeyay Golaha dhaqaalaha Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib markuu tixgaliyey baahida loo qabo in dib u habeyn lagu sameeyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka si loo waafajiyo arrimaha mudnaanta leh ee horumarinta dhaqaalaha dalka waxa uu soo saaray Xeer Madaxweyne LR. 61 iyo Xeer Madaxweyne LR.62.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo uu Guddoomiye ka yahay Madaxweynaha J.F.S, halka Raโ€™iisul Wasaaruhuna yahay Guddoomiye ku xigeen, oo ka koobnaa saddex heer, ayaa waxaa lagu soo koobay laba heer:

Related posts

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

1-Heerka Jaangooynta Siyaasadda iyo Goโ€™aamada Dhaqaale ee Masiiriga ah oo aan waxba laga badelin waxaa xubno ka ah:

Madaxweynaha J.F.S, Raโ€™iisul Wasaaraha, Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka marka loo baahdo goโ€™aan ka gaarista qodobbo saamaynaya.

2-Heerka La-talinta iyo Xog-heynta oo kooban 9 xubnood oo La-taliyayaal ah iyo Xog-heynta oo lagu soo xulay aqoontooda iyo khibraddooda, ayaa hoos imaanaya Xafiiska Madaxweynaha.

Heerka la-talinta iyo iyo xog-heynta waxaa agaasime guud u ah La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha Madaxweynaha, kaas oo masโ€™uul ka ah isku-duwidda maamulka heerkaan ee Golaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Xeer Madaxweyne LR.62 ku kala diray xubnihii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee isugu jiray 5 xubnood oo Soomaali ah iyo 4 xubnood oo aan Soomaali ahayn,

Waxaa uu Madaxwaynuhu u magacaabay mudanayaasha iyo marwooyinka magacyadoodu hoos ku xusan xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee heerka la-talinta iyo xoghaynta:

1.Xasan Aadan Hoosow, La Taliyaha Sare ee Madaxweynaha, ahna Agaasimaha Guud
2. Cabdullaahi Cali Cabdi, Xubin
3. Kamaaludiin Axmed Sheekh, Xubin,
4. Adam Xuseen Rooble, Xubin
5. Nimco Maxamuud Sakal, Xubin
6. Maluuka Dheere Sheekh Cabdulqaadir, Xubin
7. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Xubin
8. Maxamed Cusmaan Maxamuud, Xubin
9. Cabdisalaam Cabdiraxmaan Maxamed, Xubin

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee uu magacaabay in ay ka shaqeeyaan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadida nolosha muwaaddiniinta Soomaaliyeed.

Previous Post

Soomaliya oo ka qayb gashay shirka Wasaaradaha Warshadaha iyo Dhaqaalaha Afrika

Next Post

Raโ€™iisul Xamse oo kulan la qaatay madaxweynaha Jabuuti

Next Post
Raโ€™iisul Xamse oo kulan la qaatay madaxweynaha Jabuuti

Raโ€™iisul Xamse oo kulan la qaatay madaxweynaha Jabuuti

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
0

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta isugu yimid Muqdisho, iyadoo la furay Shirka Golaha...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

September 9, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir muhiim ah la qaatay Guddiga Sare iyo Maamulka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

September 9, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka Madasha Caalamiga ah...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In