Tuesday, June 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay Shirka heerka sare ee Golaha dhaqaalaha Qaranka    WAR-MURTIYEED

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay Shirka heerka sare ee Golaha dhaqaalaha Qaranka    WAR-MURTIYEED
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Heerka Sare ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa saaka ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Qaranka iyada oo uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayna goobjoog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, iyo xubnaha Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada.

1-Shirka Heerka Sare ee Golaha Dhaqalaaha Qaranka oo markii ugu horaysay qabsoomay ayaa looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh siyaasadda horumarinta dalka iyo dardargelinta barnaamijyada dib u soo kabashada dhaqaalaha qaranka.

Related posts

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

June 1, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

June 1, 2026

2-Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo shir-guddoominayay shirka ayaa si qotadheer u faahfaahiyay sida ay dawladdiisa uga go’an tahay soo noolaynta dhaqaalaha dalka iyo dhammaystirka hannaanka dayn cafinta oo hadda meel fiican maraya, isaga oo Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku boorriyay in la curiyo, lana hirgeliyo hindisayaal ka qayb-qaata koboca iyo horumarka dhaqaale ee dalka.

3-Intaas kadib Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa warbixinno kala duwan ka dhegaystay La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka oo ah laanta farsamo ee Golaha, iyaga oo soo bandhigay qorshaha muddada fog ee diyaarinta Hiigsiga Qarniga ee 2060, iyo qorshaha lagu maaraynayo marxaladda ka dambaysa dayn cafinta iyo xoraynta dalka.

4-Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa isku raacay in dalka uu yeesho Hiigsiga 2060; iyaga oo meelmariyay talooyinkii ka soo baxay Wajiga 1-aad ee Geeddi-socodka Diyaarinta Hiigsiga 2060.

5-Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa faray La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka inay dardargeliyaan wajiyada xiga ee diyaarinta iyo dhammaystirka Hiigsiga, sida wadatashiyada lala yeelanayo qaybaha kala duwan ee dadweynaha, shirarka iyo cilmi-baarista lagama-maarmaanka u ah diyaarinta hiigsiga.

6-Goluhu waxa uu sidoo kale u soo jeediyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in la ansixiyo diyaarinta Hiigsiga 2060, iyo meelmarinta talooyinka ka soo baxay Heerka Farsamo ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka.

7-Goluhu waxa uu isla meel-dhigay in Hiigsiga 2060 uu noqdo dukumentiga hagi doona dhammaan qorshahayaasha horumarineed ee dalka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya xasilloon, barwaaqo ah, dadkeeduna haystaan nolol tayadeedu sarrayso.

8-Ugu dambayntii, Goluhu waxa uu soo jeediyay in mudnaan gaar ah la siiyo dedejinta dhammaystirka Qorshaha Maaraynta Marxaladda Dayn Cafinta ka Dambaysa (Post-HIPC Plan).

Previous Post

Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Hirshabeelle oo kulamo la qaatay Hay’addaha Samafalka

Next Post

Olole Nadaafadeed oo caawa laga sameeyay waddada Ex-koontarool Afgooye “SAWIRRO”

Next Post
Olole Nadaafadeed oo caawa laga sameeyay waddada Ex-koontarool Afgooye “SAWIRRO”

Olole Nadaafadeed oo caawa laga sameeyay waddada Ex-koontarool Afgooye "SAWIRRO"

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

June 1, 2026
0

Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund – NCF) oo kaashanaya Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha (MoEWR), isla markaana...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

June 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qayb...

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run. Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur...

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In