Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
4 months ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Xarunta Tababarka Janaraal Kaahiye waxaa haatan ka socda munaasabadda xuska sanad-guuradii 82-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska, waxaana goobta ku sugan masuuliyiin kala ah Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag , Janaraal Asad Cismaan Cabdullaahi,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,Janaraal Odowaa Yusuf Rage, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Saraakiil ciidan, marti sharaf, wufuud heerar kala duwan ah.

Munaasabaddan oo ah mid xambaarsan qiimo qaran iyo xusuus taariikhi ah, ayaa si weyn loogu diyaargaroobay, iyadoo lagu muujinayo halgankii, dadaalkii iyo horumarka uu soo maray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed tan iyo aasaaskii sanadkii 1943-kii.
Waxaa la filayaa in munaasabadda lagu soo bandhigo tababbarro ciidan, gaardisyo iyo dhoolatusyo ka tarjumaya kartida, anshaxa, iyo horumarka uu ciidanku ku tallaabsaday. Xuskan heer qaran ah ayaa qeyb ka ah xoojinta xusuusta taariikhiga ah ee Booliiska iyo dhiirrigelinta dadaalka ay ugu jiraan sugidda amniga iyo kala dambeynta dalka.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026

Previous Post

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Next Post

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Kulan Wadatashi Ah La Yeeshay Ururro Siyaasadeedka Gobolka Banaadir

Next Post
Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Kulan Wadatashi Ah La Yeeshay Ururro Siyaasadeedka Gobolka Banaadir

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Kulan Wadatashi Ah La Yeeshay Ururro Siyaasadeedka Gobolka Banaadir

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

April 9, 2026
0

Madaxweynaha JFS, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, kadib markii uu noqday garsoorihii...

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

April 9, 2026
0

Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo ku saabsan isbeddellada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In