Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo Kormeeray Dugsiga Tababarka Janaraal Gordon.”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer kadis ah ku tagay Dugsiga Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Janaraal Gordon ayaa sheegay in dowladdu ay dejisay qorsheyaal muhiim u ah dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweynaha waxa uu hadal u jeediyey Guutada 14-ka Oktoobar ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona ku bogaadiyey Saraakiisha Soomaaliyeed ee u istaagay in ay soo saaraan geesiyaal dhallinyaro ah oo ay ka go’antahay xoreeynta dalka iyo in ay shacabka Soomaaliyed ka dul qaadaan dhibaatada ay ku hayaan argagixisada Alshabaab.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhiirri geliyey ciidankan oo dhawaan ku wajahan furimaha dagaalka, sida ay u ajiibeen baaqiisii ku saabsanaa difaaca dalka “Waxaan idin ku ammaanayaa in aad ajiibteen codsigaygii ku saabsanaa in la helo mutadawiciin ka qeyb qaata difaaca dalka, Waxaan rajeynayaa in aad noqotaan kuwii ka xoreeyn lahaa dalkan nabaddiidka caadeeystay in ay si arxan darro ah u daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.”

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa kormeeray Xafiisyada ay ku shaqeeyaan talisyada kala duwan ee Guutada 14ka Oktoobar, kaydka saanadda iyo saheyda ciidanka, rugta caafimaadka ee dugsiga Janaraal Gordon iyo goobaha ay ku tababartaan ciidanku.

Kormeerkan waxaa Madaxweynaha ku wehliyey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Mudane Xasan Cali, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod, Taliye Ku Xigeennada iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo la kulmay Darawalada Gaadiidka Dadweynaha ee BL-ka iyo Bajaajta “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee DFS oo Garoowe ka furtay tababar-Sawirro

Next Post
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee DFS oo Garoowe ka furtay tababar-Sawirro

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee DFS oo Garoowe ka furtay tababar-Sawirro

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In