Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceed barbar socda Meertada 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey la qaatay Dhaxal-sugaha dalka aan walaalaha nahay ee Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad Al-Sabaax.
Kulanka ayaa intii uu socday waxa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal iyo arrimaha guud ee gobolka ee labada dal ay dan-wadaagta ka yihiin.