Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo soo xiray shirka Guddiga sare mashruuca horumarinta waddooyinka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Howlaha Guud XFS oo soo xiray shirka Guddiga sare mashruuca horumarinta waddooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cilmi Maxamed Nuur, ayaa maanta soo xiray shirkii guddiga sare ee mashruuca horumarinta waddooyinka Soomaaliya. Shirkan ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirrka Hawlaha Guud iyo Dib u Dhiska XFS iyo kuwa dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka.

Shirka ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed ay isku raaceen ka qaybgalayaashu, kaas oo ku saabsan qodobadii lagu gaaray gunaanadka. Mashruuca horumarinta kaabayaasha waddooyinka dalka ayaa haatan u gudbaya wejiga dhismaha waddooyinka halbowlaha ah ee muhiimka u ah isku socodka bulshada, ganacsiga gudaha iyo dibaddaba.

Related posts

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026

Waxaa lagu dhawaaqay in maalinta berri ah la saxiixi doono qandaraaska dhismaha waddada isku xirta Dhuusamareeb–Qaridhi oo dhererkeedu yahay 60 km. Sidoo kale, howlaha dhismaha waddada Gaalkacyo –Xarfo (67 km) ee Puntland ayaa meel wanaagsan maraya, iyadoo la filayo in goor dhow la saxiixo qandaraaska rasmiga ah.

Dhanka kale, waxaa gebogebo ku dhow howlaha qandaraas bixinta ee daraasadda waddada isku xirta Beled-Xaawo–Luuq–Doolow, halka qandaraas bixinta jidka Gaalkacyo –Hobyo (100 km) ay si habsami leh u socoto, laguna talo jiro in si dhakhso ah loo soo afjaro.

Guddigu waxa uu sidoo kale ku heshiiyey in la tixgeliyo Dawlad-goboleedka cusub ee Waqooyi-bari Soomaaliya marka la dooranayo waddooyinka cusub ee lagu dari doono mashruuca. Intaa waxaa dheer, waxaa la isla gartay in lagu daro hawlaha socda adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin tayeynta wasaaradaha, sahayda iyo howlaha farsamo ee ku xeeran mashruuca, iyadoo lagu shaqeynayo miisaaniyadda la heli karo.

Ugu dambeyn, guddigu waxa uu go’aamiyay in shirka xiga lagu soo bandhigo horumarka iyo natiijooyinka la gaaray, si loo dardar geliyo hawlaha socda ee horumarinta kaabayaasha waddooyinka dalka.

Previous Post

Taliska Booliska oo la kulmay Aabe iyo hooyo Soomaaliyeed oo loo geystay fal xadgudub ah

Next Post

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay Dhaxal-sugaha Kuwait

Next Post
Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay Dhaxal-sugaha Kuwait

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay Dhaxal-sugaha Kuwait

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026
0

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum) ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb...

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kormeer ku sameeyay Webiga Shabeelle iyo goobaha nugul...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

September 7, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Lugta Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo howlo shaqo u jooga magaalada Baardheere ee Gobolka...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

September 7, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay duleedka deegaanka Harboole ee degmada Afmadow ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In