Saturday, February 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS Oo Si Weyn loogu Soo Dhaweeyey Garoowe “SAWIRRO”

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS Oo Si Weyn loogu Soo Dhaweeyey Garoowe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo Axad ah gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamul-Goboleedka Puntland, halkaasi oo uga bilaabatay booqasho maalmo qaadan doonto.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ku wehelinaya Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo halkaasi ay uga sii horeeyeen Wafdi hordhac u ahaa kan madaxweynaha ee maanta halkaasi gaaray.

Related posts

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

February 21, 2026

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Maamul-Goboleedka Puntland, Odoyaasha Dhaqanka, Ardayda wax ku barata Deegaankaasi iyo Dadweyne aad u fara badan, iyadoo soo dhaweyntiisa ay u diyaar-garoobeen maalmihii la soo dhaafay, waxaana Magaaladaasi lagu xardhay calamo iyo caleemo qoyan, islamarkaana waxaa garoonka la dhigay Roogga Cas.

Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Xafiiska Madaxweynaha JFS Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Safarka Madaxweynaha uu qaadan doono maalmo, isagoo booqan doono deegaanno ka tirsan Maamul-goboleedyada Puntland iyo Galmudug, waxuu intaa kuday in madaxweynaha uu bulshada ku dhaqan deegaanadaasi uu u heli doono waqti badan oo uu ku ogaado xaaladahooda.

“Safarka Madaxweynah oo maalmo qaadan doonaa waxuu ku mari doonaa Maamulada Putland iyo Galmudug waxuuna la kulmi doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada, Madaxweynaha waxuu bulshadiisa u heli doonaa waqti badan, isagoo u kuurgali doono xaaladaha dadka ku dhaqan goboladaasi ,Safarka Nadab iyo Nolol waxuu noqon doonaa mid taariikhi ah oo bulshada deegaanadaasi joogo lagu ogaanayo xaaladahooda”ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Xafiiska Madaxweynaha JFS Cabdinuur Maxamed Axmed

Magaalada Garoowe Waddooyinkeeda waxaa lagu dhejiyey boorar uu ku yaalo Sawirka Madaxwynaha dalka oo halku dhigiisu yahay “mudane Madaxweyne ku soo dhowow dhulka Uduga Puntland iyo Danta,Dadka iyo Dalka, iyadoo Barxadda Garoowe oo ah halku ugu caansan Magaalada ayaa waxaa lagu suray layrar aad u qurux badan iyo Calanka Soomaaliya.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Fanaanada Nagruuma iyo Luul Cali Xasan “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha soomaaliya oo maanta dhagax dhigey dib u dhiska Iskuulkii Xaawo Taako“SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha soomaaliya oo maanta dhagax dhigey dib u dhiska Iskuulkii Xaawo Taako“SAWIRRO”

Madaxweynaha soomaaliya oo maanta dhagax dhigey dib u dhiska Iskuulkii Xaawo Taako“SAWIRRO”

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa shir-guddoomiyay kulan Guddiga...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

February 21, 2026
0

Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 20-aad ee...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

February 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo oo laga gaaray horumarinta...

Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed

Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed

February 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay dagaalka ka dhanka ah kooxaha khawaarijta, iyadoo hawlgallo qorsheysan oo ay fuliyeen ciidammada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In