Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed farmaajo ayaa Saaka dhagax dhigay Dugsiga hoose dhexe Xaawo Taako ee Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir oo ka mid ahaa dugsiyadi ku bur burey dagaaladi sokeeye ee dalka soo maray
Marki uu gaaray xarunta iskuulka ayaa waxaa halkaasi kuso dhaweeyey madaxweynaha wasiirka Waxbarashada iyo Taclinta sare Cabdirahmaan Daahir Cismaan
Wasiirka waxbarashada oo warbaahinta dowladda goobta kula hadlay ayaa ka sheekeyey taarikhda Dugsiga Xaawo Taako oo dib u dhiskiisa maanta madaxweynaha soomaalia dhagax dhigey.
Madaxweynaha soomaalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegey in dib udhiska iskuulani looga gol leeyahay in la badiyo goobaha Waxbarashada, si kor loogu qaado tayada iyo tirada Dugsiyada Dalka, laguna baran doono Farsamooyinka Gacanta
Dugsiga hoose dhexe ee Xaawo Taako oo ah dugsi qadiimi ah oo soo jiray tan iyo Xukuumaddii Daakhiliga aheyd, ayaa markii ugu dambeeysay loogu magacdarey Halyeeyaddii Xaawo Taako, kaasi oo ahaa markaasi dugsi hoose dhexe, balse waxa uu ku buruburay dagaaladdii sokeeye ee ka dhacay dalka.