Saturday, September 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Madaxweynaha dib loo doortay ee Dalka Turkiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Madaxweynaha dib loo doortay ee Dalka Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Turkiga Mudane Reccep Tayyip Erdogan oo ku guuleystay doorasho ka dhacday dalkaas.

Madaxweynaha oo tilmaamaya kaalinta lama ilaawaanka ee Madaxweyne Erdogan iyo shacabkiisu ay ku leeyihiin dowlad-dhiska iyo horumarka dalkeenna ayaa u rajeeyay Madaxweynaha cusub in uu ka miro-dhaliyo xaqiijinta yoolasha horumarineed iyo hiigsiga Shacabka Turkiga.

Related posts

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026

“Waxaan u hambalyeynayaa walaalkeey Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan, guusha taariikhiga ah ee uu ka gaaray doorashadii ka dhacday dalka Turkiga. Waxaan u rajeynayaa shacabka iyo dowladdaa aan walaalaha nahay ee Turkiga in ay xoojiyaan midnimadooda iyo horumarka ballaaran ee xowliga ah ee ay ku tallaabsadeen sanadihii la soo dhaafay.”

Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in uu kalsooni weyn ku qabo in dib u doorashada Madaxweyne Erdogan ay sii xoojineyso xiriirka wanaagsan iyo iskaashiga laba geesoodka ah, Isagoo sheegay in Soomaaliya iyo Turkiga uu ka dhaxeeyo xiriir dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed oo qotodheer.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxda Jubbaland kala hadlay dhismaha Maamulka Gobolka Gedo

Next Post

R/W Xamse oo ka qeybgalay casho sharaf uu Maamulka G/Banaadir u sameeyay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka

Next Post
R/W Xamse oo ka qeybgalay casho sharaf uu Maamulka G/Banaadir u sameeyay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka

R/W Xamse oo ka qeybgalay casho sharaf uu Maamulka G/Banaadir u sameeyay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026
0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In