Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo wafdi ka socda Jarmalka uga waramay hawlaha doorashada+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo wafdi ka socda Jarmalka uga waramay hawlaha doorashada+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu horkacayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka ugu qaabilsan arrimaha dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya, Danjire Georg Schmidt.

Madaxweynaha iyo wafdiga ayaa ka wadahadley xiriirka labada dal, arrimaha doorashada Soomaaliya, dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, amniga gobolka, qaxootiga Soomaalida ee la doonayo in dib dalka loogu soo celiyo, iyo sidii loo soo nooleyn lahaa iskaashiga machadyada mihnadaha laga barto si ay uga faa’iideystaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdiga ka codsadey inay salaam ka gaarsiiyaan Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Angela Merkel, dowladda iyo shacabka Jarmalka.

Danjire Schmidt oo isna soo dhoweeyay horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsatey, isagoo sheegay inuu aaminsan yahay in Soomaaliya ay dib cagaheeda isku taagi doonto, beesha caalamkuna oo Jarmalka ay ka mid tahay ay doorkooda ka cayaari doonaan.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac.Displaying Displaying

Previous Post

Dawo Sawirrada: Furitaanka xarunta gabdhaha agoonta Boondheere ee sanad dugsiyeedka 2016/17

Next Post

Maamulka gobolka Sh/dhexe oo maanta dhagax dhigay iskuul laga dhisayo deegaaanka Kongo+Sawirro

Next Post
Maamulka gobolka Sh/dhexe oo maanta dhagax dhigay iskuul laga dhisayo deegaaanka Kongo+Sawirro

Maamulka gobolka Sh/dhexe oo maanta dhagax dhigay iskuul laga dhisayo deegaaanka Kongo+Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In