Thursday, June 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey Meertada 36-aad ee Shirka Madaxda Afrika

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
February 18, 2023
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey Meertada 36-aad ee Shirka Madaxda Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waad ku mahadsan tihiin fursaddan wayn ee aan idinkula hadlayo anigoo ah madaxweynaha cusub ee Soomaaliya. Xaqiiqdii, inkastoo aan ahay madaxweyne lagu doortay doorasho dhowaan ka dhacday Soomaaliya, mudnaan gaar ah ayay ii tahay inaan noqdo madaxweynihii ugu horreeyey taariikhda Soomaaliya ee labo jeer loo doortay inuu u khidmeeyo qarankiisa. Waxay arrintan iiga dhigan tahay xurmad iyo fursad gaar ah oo aan ku qaabayn karo isla markaasna aan Soomaaliya iyo dadkeenna ku gaarsiin karno mustaqbal wanaagsan, waana sababta aan markii horeba u go’aansaday inaan u tartamo xilkan culus.

Dhab ahaantii, ma jirto sharaf ka wayn inuu qof u adeego qarankiisa, xil kasta ha qabto e, aniga, ka Madaxweyne ahaan, waxaan ahay adeege u khidmaynaya shacab ku sifoobay adkaysi, deeqsinnimo iyo hal-abuur balse maanta wajahaya caqabado badan oo is biirsaday.

Related posts

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

June 11, 2025
Wasiir Xoosh oo kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Wasiir Xoosh oo kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

June 11, 2025

Sidaas oo ay tahay, waxaan nahay kuwo rejadooda fiican tahay oo rumaysan in wadajir, shaqo adag iyo ballanqaad siyaasadeed oo dhab ah, Soomaaliya ay ka guulaysan doonto caqabad kasta. Tani waa rejada aan ku seexdo habeen kasta, ku riyoodo xilliga hurdada kuna soo tooso subax allaale.

Waxaan ku kalsoon ahay in hiigsigani yahay mid aan ka dhabbayn doonno sabab la xiriirta isbaddallada cadcad ee siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo amni ee aan ku hoggaaminaynno dalkeenna.

Ka Madaxweyne ahaan, ahdaaftaydu waa kuwo qayaxan: Inaan ka guulaysanno argagixisada caalamiga ah, xoojinno siyaasad loo dhan yahay, kobcinno dhaqaalaha, isla markaasna adeegyada aasaasiga ah gaarsiinno dadkeenna u qalma in loo adeego.

Madaxweynanimadaydu waxay diiradda saari doontaa dhisidda jawi lagu heli karo horumar waari-og oo baahida dadka ku salaysan, annagoo ku billaabayna sidii aan nabadda uga ilaashan lahayn ururka argagigixisada caalamiga ah ee Al-Shabaab annaga oo la kaashanaynna dhammaan bahwadaagteenna caalamiga ah.

Waxaan durbaba horumar wax-ku-ool ka sameynnay qorshaheenna cusub ee dhammaystiran ee aan argagixisada Al-Shabaab kula dagaallamayno – militari ahaan, dhaqaale ahaan iyo caqiido ahaan.

Dadaallada aan ka wadno jihadan waa kuwo sii xoogaysan doonno ilaa sharta argagixisada laga ciribtiro Soomaaliya, gobolka iyo qaaradda Afrika.

Xoojinta siyaasad loo dhan yahay waa arrin aad muhiim u ah gaar ahaan marka la joogo qaarad kala duwan sida Afrika oo kale. Waxaa Soomaaliya ka go’an inay sii ambaqaaddo wada-hadal iyo dib u heshiisiin iyo sidoo kale dhammaystirka geeddi socodka dib u eegista dastuurka.

Waxaan sidoo kale xoojinaynaa dimuqraaddiyadeenna iyo xiriirka aan la leennahay bulshada rayidka si aan u xaqiijinno in cid kastaa ay door dhab ah ah ku yeelato bulshada iyo dowladnimadeeda.

Siyaasad loo dhan yahay waa aasaaska nabadda iyo xasilloonida, waxaana ku kalsoon ahay inay dhiirrigelin doonto horumar dhaqaale iyo horukac qaran oo waari og oo ka dhasha Soomaaliya iyo qaaraddeenna.

Madaxda Sharafta Leh, Mudanayaal iyo Marwooyin,

Hal-ku-dheggaygii doorashada ee guulaystay wuxuu ahaa “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah”. Waxay tani caddayn u tahay sida dowladdaydu si firfircoon u baadigoobayso inay xoojiso dhammaan xiriirrada ay horey ula lahayd saaxiibbada caalamiga ah iyo sidii ay cilaaqaad hor leh ula samaysan lahayd kuwo kale si aan u xaqiijinno inaan dhammaanteen wadaagno horumarka iyo barwaaqada maanta caalamka ka jira.

Horumarinta xiriirkeenna waxtarka leh ee aan la leennahay Midowga Afrika iyo dhammaan dowladaha xubnaha ka ah waa mudnaan sare oo ay Soomaaliya leedahay annagoo ku rajo wayn mustaqbal barwaaqo wadaag ah, oo uu hagayo Ajandaheenna 2063.

Halkudheggu wuxuu sidoo kale tilmaamayaa jiritaanka caqabado nidaami ah oo caalami ah oo ay tahay inaan si wadajir ah u wajahno si aan u xaqiijinno mustaqbalka dadkeenna iyo qarammadeenna.

Waxaa caqabadaha ka mid ah la dagaallanka argagixisada caalamiga ah, la tacaalidda isbaddalka cimilada, kobcinta dhaqaalaha, abuurista shaqooyinka iyo sida maalgalinta ajandayaasha horumarineed ee adduunka sida kuwa ku xusan Ajandaha 20230 ee Horumar Waari-og ee Qaramada Midoobay.

Suurtagal ma aha inaan u fekerno isla markaasna u hawlgalno si keli keli ah xilligan oo adduunku noqday mid isku xiran, iyadoo caqadabaha iyo fursadaha yihiin kuwo ay saameynayaan isbaddallada dhaqaale iyo siyasadeed, kuwaas oo na wada saameynaya dhammaanteen. Wadajir ayaan ku xooggan ahay in ka badan kala tag.

Gunaanadkii, waxaan doonayaa inaan idinkaga mahadceliyo dhammaantiin soo dhowaynta diirran ee aad ii samayseen markii la ii doortay Madaxweynaha Soomaaliya markii labaad. Waxaa iga go’an inaan kala shaqeeyo Midowga Afrika, dowladaha xubnaha ka ah iyo dhammaan bahwadaagteenna qaalliga ah si aan uga dhigno Soomaaliya, Afrika iyo adduunka meel nabdoon, horumarsan, barwaaqo u ah muwaadiniinteenna oo idil.




Previous Post

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatey Taliyaasha qeybaha

Next Post

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Rwanda

Next Post
Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Rwanda

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Rwanda

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

June 11, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha Madasha Iskaashida Dalalka Geeska Afrika ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku...

Wasiir Xoosh oo kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Wasiir Xoosh oo kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

June 11, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergayga...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka FOCAC oo lagu qabtay Magaalada Changsha

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka FOCAC oo lagu qabtay Magaalada Changsha

June 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa hoggaaminayey wafdi heer sare ah oo...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda oo dardaaran u dirtay kormeerayaasha Imtixaanka Qaranka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda oo dardaaran u dirtay kormeerayaasha Imtixaanka Qaranka

June 11, 2025
0

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Nuura Mustaf Mukhtaar,ayaa si gaar ah ugu boorrisay Saraakiisha iyo Kormeerayaasha Imtixaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In