Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatey Taliyaasha qeybaha

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatey Taliyaasha qeybaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa maanta shir la qaatay Taliyeyaasha Booliska, Qaybta Guud ee Gobolka Banaadir, Qaybaha, Saldhigyada Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Fadhiyada Madaxa Bannaan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, shirkaas oo looga hadlayey adkaynta amniga guud ee Dalka iyo si gaar ah amniga caasimadda Muqdisho.

Taliyaha, ayaa Saraakhiisa Ciidanka Booliska faray in si weyn looga hortago falalka liddiga ku ah amniga, lagana feejignaado dhagaraha ay Khawaarijta Arxanlaaweyaasha ahi u soo maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Sidoo kale Talayiha Ciidanka Booliska,ayaa amray ciidamadda inay labo jibbaaraan dadaallada lagu sugayo amniga caasimadda Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyed Sareeya Guuto General Sulub Axmed Firin ayaa Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir kulan kula qaatay Taliyaasha Qeybaha iyo Kuwa Saldhigyada ee Gobolka Banaadir.

Shirkaan oo looga hadlayey adkaynta Ammniga guud ee dalka gaar ah Amniga Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Mumin waxa uu warbixin ka siiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyed Gen Sulub howlaha Shaqo ee Taliska Qeybta Guud.

Taliye Mahdi, ayaana xusay in lasii labo jibaaray Howlgalada ka dhanka ah kuwa Argagaxisada ah ee isku daya in ay qalqal-galiyeen Ammniga Bulshada Caasimada iyo Kuwa kale ee iskuugu jira Burcada hubaysan iyo Ciyaal-weerada intaba.

Taliyaha Ciidanka Booliska General Sulub Axmed Firin ayaana ugu danbeen Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir uga Mahadceliyay shaqada baxda leh ay u hayaan Bulshada Soomaliyeed, isaga oona Saraakhiisa Ciidanka Booliska faray in si weyn looga hortago falalka liddiga ku ah amniga, lagana feejignaado dhagaraha ay Khawaarijta, sidookalana la labo jibbaaro dadaallada lagu sugayo amniga caasimadda Muqdisho.




Previous Post

Somali parliament votes to donate 20% of their salary to victims in Turkey

Next Post

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey Meertada 36-aad ee Shirka Madaxda Afrika

Next Post
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey Meertada 36-aad ee Shirka Madaxda Afrika

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey Meertada 36-aad ee Shirka Madaxda Afrika

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In