Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jubbaland iyo Wasiirka Arrimaha gudaha XFS oo furay shirka isku-dubbaridka xasilinta Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jubbaland iyo Wasiirka Arrimaha gudaha XFS oo furay shirka isku-dubbaridka xasilinta Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa si wada jir ah maanta Magaalada Kismaayo ku daahfuray Shirweynaha isku-dubbaridka xasilinta Qaranka oo ay ka soo qeybgaleen Wasaaradaha arimaha gudaha heer Federaal iyo heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, ururada iyo Dowladaha taageera Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa tilmaamay in ahmiyad weyn ay leedahay sidii tageero dhamaystiran loo gaarsiin lahaa goobaha la xoreeyay iyo Kuwa hada kadib la xorayn doono, isla markana ay u baahan yihiin dadka halkaas ku nool adeegyada bulshada, iyadoo Jubbaland ay diyaarisay Ciidamada Booliska, Nabadsugida iyo hay’adaha adeega bulshada ee ka howlgali lahaa goobaha la xoreeyay.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Mudane Axmed Madoobe waxa uu intaas ku daray in tageerada dadka ku nool goobaha la xoreeyay ay uga baahi badan yihiin in la hayo goobahaas oo ayna dib u qabsan argagixisada taas oo sababaysa in nolosha bulshadu ay si tartiib tartiib ah usoo noqoto.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in kaalmada Caalamiga ah ee loogu tala galay dadka ay sameeyeen abaaraha iyo musiibooyinka kale ee dalka ka dhaca ay tahay in la mariyo hay’adaha Dowliga ah si looga fogaado musuq iyo wax is dabamarin, isla markana loo awood siiyo hay’adaha Dowliga ah, isagoo xusay in Jubbaland ay diyaar garowgii ugu danbeeyay ugu jirto wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah argagixisada.

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha JFS oo saxiixay wareegtada magacaabista Taliyaha Ciidanka XDS iyo Taliyaha Ciidanka lugta

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha JFS oo saxiixay wareegtada magacaabista Taliyaha Ciidanka XDS iyo Taliyaha Ciidanka lugta

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In