Wednesday, March 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay wakiilka QM ee Soomaaliya 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay wakiilka QM ee Soomaaliya 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminayso.

Madaxweynaha oo ay wehelinayeen Madaxweyne Ku-xigeenka koobaad Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo mas’uuliyiinta Madaxtooyada, ayaa Wakiilka Qaramada Midoobay la yeeshay wada hadalo miro dhal ah oo la xiriira xaalada guud ee dalka.

Related posts

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

March 18, 2026
Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

March 17, 2026

Kulanka ayaa loogo hadlay arrimaha amniga iyo bilowga Wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada oo diyaar garoowgiisu uu maraya meel gabagabo ah, xasilinta deegaanada laga xorreeyay khawaarijta iyo gaarsiintaa gargaarka dadka ku tabaalaysan masiibooyinka dabiciiga ah iyo isbadalka cimilada adduunka.

Waxaa kale oo laga hadlay heshiiska Madasha Wadatashiga Qaranka ee dalka loogu jiheeyay Doorasho dadweyne Sanadka soo socda iyo tageerada beesha Caalamka ee dhinacyada kala duwan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa Madaxweynaha uga mahadcelisay soo dhawaynta diiran oo ay kala kulan tay Dowladda Jubbaland, iyadoo sheegtay in ay ku faraxsan tahay in ay timaado Jubbaland oo ay ugu danbaysay sanadkii 1992dii isla markana ay ku aragtay isbadalo badan oo dhinaca hormarada ah.

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa u mahadceliyay Danjire Catriona Laing iyo wafdigeeda booqashada ku yimadeen Jubbaland,isagoo xusay in wada hadalo miro dhal ah ay ka yeesheen dhinacyo badan.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dagaalka Al-Shabaab ee Wajiga labaad si fiican loogu diyaar garoobayo isla Markana dhawaan uu bilaabanayo.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu xusay in loo baahan yahay in xasilinta deegaanada la xoreeyay ahmiyad gaar ah la siiyo si adeegyada aas aasiga ah si loo gaarsiiyo dadka halkaasi ku nool.

Ugu dambayntii Madaxweynaha, ayaa tilmaamay in xaalada gobolka Gedo ay Jubbaland diyaar u tahay in wixii kala aragti duwanaan siyaasadeed ah lagu dhameeyo wada hadal balse uuna jirin khilaaf u dhexeeya dadka Deegaanka iyo Dowladda Jubbaland dadkuna ay soo dhaweeyeen maamulkii dhawaan la magacaabay.

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo xil ka qaadis ku sameeyay laba masuul 

Next Post

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo wada ciribtirka Musuq-maasuqa 

Next Post
Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo wada ciribtirka Musuq-maasuqa 

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo wada ciribtirka Musuq-maasuqa 

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

March 18, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo...

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

March 17, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

March 17, 2026
0

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta deeq lacageed oo Ciid-siin ah...

Hay’adda SoDMA oo Maalintii 3-aad Gurmad Biyo Dhaamin ah ka waddo Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo Maalintii 3-aad Gurmad Biyo Dhaamin ah ka waddo Baydhabo

March 17, 2026
0

Maalintii 3-aad, Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed si gaar ah gudaha iyo tuulooyinka ku xeeran magaalada Baydhabo, waxaa si xowli ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In