Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo Munaasabad sagootin ah u sameeyay xildhibaannada labada Aqal+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jubbaland oo Munaasabad sagootin ah u sameeyay xildhibaannada labada Aqal+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Munaasabad heerkedu sareeyo Kismaayo ugu qabtay xubnaha labada Aqal ee laga soo doortay Jubbaland.

Munaasabadan oo sagootin ahayd ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam R”iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib iyo xubnaha labada gole ee Jubbaland iyo Mudanayaasha la doortay.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Kooxaha Fanka ayaa Munaasabada kayb lixaadle ka qaatay iyadoo heeso iyo Ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka halkaas lagu soo bandhigay.

Gudoomiyaha Gudiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed Cabdi Cali Raage ayaa Munaasabada kaga sheekeyay marxaladahii ay soo martay hawsha dhismaha labada Aqal ee Jubbaland laga soo doortay isagoo Dowlada Jubbaland uga mahad celiyay sida ay tageerada ula garab taagnay waxaana uu hoosta ka xariiqay in ay sidii ugu wanaagsanayd hawshu u dhacday oo ay rajaynayaan in Xildhibaanadan ay noqdaan kuwo dalkooda anfaca.

Qaar kamid ah Xildhibaanada oo Munaasabada ka hadlay ayaa ka mahad celiyay amaanka iyo Nabadgalyada la isku halayn karo ee Kismaayo ay ka heleen iyagoo Dowlada ku amaanay sida ay uga go’an tahay Midnimo, Cadaalad, iyo Hanaanka maamulka Suuban.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo Munaasabada ka hadlay ayaa ku dheeraday sida ay masuuliyada ay qaadeen uga soo bixi lahayeen Xildhibaanada Cusub wuxuuna husay in ay Jubbaland ku dadaalayso sidii Xildhibaanada deeganku u noqon lahayeen kuwo isku xiran oo hal hadaf leh waxaana uu cadeeyay in taasi ay miro dhashay oo hada ay gudi samaysteen Xildhibaanadu kuwaas oo wixii soo wajaha ay si midnimo leh go’aan uga gaarayaan.

“Waxaan balan qaadayna in aanan caawa idinkaga harin oo aan idin garab istaagno halkan Kismaayo dhul baan idinka siinaynaa oo Dowladu ay guri marti oo aad dagtaan idinkaga dhisto sidii kale Xamar madal ayaad ku yeelanaysaan” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed islaam.

Sidoo kale Waxaa Madaxweynahu uu balan qaaday in hada kadib laga tashan doono in wixii jira ee masiirka dalka ku saabsan si guud looga tashado oo qaab Xisbi ah lagu wajahi doono dadka deegankuna ay u dhan yihiin.

“Waxaan samayn doona labada kun iyo labaatanka in aan Soomaalida kula gorgortano oo aan kula Xisaabtano qaab Xisbi Asxaab ah oo aan ka baxno nidaamkan habka qabiil ku salaysan” ayuu yiri Hogaamiyaha Dowlada Jubbaland.

Xildhibaanada ayuu kula dar daarmay in ay ka fogaadan laaluush iyo wax isdaba marin taas oo xaalka hada dalka uu ku sugan yahay uga sii daraysa.

“Maanta go’aanku idinka ayuu gacantiina ku jiraa waxaad samayn kartaan Tariikh iyo bog Cusub oo aad dhabaha Saxda ah Dalkan ku hagtaan taas oo ah in aad ka dheeraatan Musuq maasuq waana mida Dalkeena u wanaagsan” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam

Maxamed Cumar Carte Qaalib Ra”iisul Wasaare ku xigeenka Dalka ahna Mudane katirsan Baarlamaanka Cusub ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay kasoo qayn galka Munaasabadan uuna arko Dowlad iyo dadkeeda oo wada jira gacmahana is haysta wuxuu xusay in Kismaayo ay tahay meel wax Wanaagsan laga baran karo.

Arimaha Midnimada ayuu sheegay in ay tahay mid dalka oo dhan muhiim u ah taas oo ay tahay in si guud loo wada raadiyo.

S09A6952 S09A6956 S09A6973 S09A6975 S09A6993 S09A7049 S09A7061 S09A7094 S09A7235 S09A7294 S09A7339 S09A7430 S09A7547 S09A7705

S09A6975

Previous Post

Gudoomiyaha G/Hiiraan oo kormeeray xarumo lagu daweeyo dadka uu soo ritay cudurka shibanbiyoodka

Next Post

Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed oo Fursado shaqo Soo bandhigeyso.

Next Post
Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed oo Fursado shaqo Soo bandhigeyso.

Hay'ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed oo Fursado shaqo Soo bandhigeyso.

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In