Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo Munaasabad sagootin ah u sameeyay xildhibaannada labada Aqal+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jubbaland oo Munaasabad sagootin ah u sameeyay xildhibaannada labada Aqal+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Munaasabad heerkedu sareeyo Kismaayo ugu qabtay xubnaha labada Aqal ee laga soo doortay Jubbaland.

Munaasabadan oo sagootin ahayd ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam R”iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib iyo xubnaha labada gole ee Jubbaland iyo Mudanayaasha la doortay.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

Kooxaha Fanka ayaa Munaasabada kayb lixaadle ka qaatay iyadoo heeso iyo Ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka halkaas lagu soo bandhigay.

Gudoomiyaha Gudiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed Cabdi Cali Raage ayaa Munaasabada kaga sheekeyay marxaladahii ay soo martay hawsha dhismaha labada Aqal ee Jubbaland laga soo doortay isagoo Dowlada Jubbaland uga mahad celiyay sida ay tageerada ula garab taagnay waxaana uu hoosta ka xariiqay in ay sidii ugu wanaagsanayd hawshu u dhacday oo ay rajaynayaan in Xildhibaanadan ay noqdaan kuwo dalkooda anfaca.

Qaar kamid ah Xildhibaanada oo Munaasabada ka hadlay ayaa ka mahad celiyay amaanka iyo Nabadgalyada la isku halayn karo ee Kismaayo ay ka heleen iyagoo Dowlada ku amaanay sida ay uga go’an tahay Midnimo, Cadaalad, iyo Hanaanka maamulka Suuban.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo Munaasabada ka hadlay ayaa ku dheeraday sida ay masuuliyada ay qaadeen uga soo bixi lahayeen Xildhibaanada Cusub wuxuuna husay in ay Jubbaland ku dadaalayso sidii Xildhibaanada deeganku u noqon lahayeen kuwo isku xiran oo hal hadaf leh waxaana uu cadeeyay in taasi ay miro dhashay oo hada ay gudi samaysteen Xildhibaanadu kuwaas oo wixii soo wajaha ay si midnimo leh go’aan uga gaarayaan.

“Waxaan balan qaadayna in aanan caawa idinkaga harin oo aan idin garab istaagno halkan Kismaayo dhul baan idinka siinaynaa oo Dowladu ay guri marti oo aad dagtaan idinkaga dhisto sidii kale Xamar madal ayaad ku yeelanaysaan” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed islaam.

Sidoo kale Waxaa Madaxweynahu uu balan qaaday in hada kadib laga tashan doono in wixii jira ee masiirka dalka ku saabsan si guud looga tashado oo qaab Xisbi ah lagu wajahi doono dadka deegankuna ay u dhan yihiin.

“Waxaan samayn doona labada kun iyo labaatanka in aan Soomaalida kula gorgortano oo aan kula Xisaabtano qaab Xisbi Asxaab ah oo aan ka baxno nidaamkan habka qabiil ku salaysan” ayuu yiri Hogaamiyaha Dowlada Jubbaland.

Xildhibaanada ayuu kula dar daarmay in ay ka fogaadan laaluush iyo wax isdaba marin taas oo xaalka hada dalka uu ku sugan yahay uga sii daraysa.

“Maanta go’aanku idinka ayuu gacantiina ku jiraa waxaad samayn kartaan Tariikh iyo bog Cusub oo aad dhabaha Saxda ah Dalkan ku hagtaan taas oo ah in aad ka dheeraatan Musuq maasuq waana mida Dalkeena u wanaagsan” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam

Maxamed Cumar Carte Qaalib Ra”iisul Wasaare ku xigeenka Dalka ahna Mudane katirsan Baarlamaanka Cusub ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay kasoo qayn galka Munaasabadan uuna arko Dowlad iyo dadkeeda oo wada jira gacmahana is haysta wuxuu xusay in Kismaayo ay tahay meel wax Wanaagsan laga baran karo.

Arimaha Midnimada ayuu sheegay in ay tahay mid dalka oo dhan muhiim u ah taas oo ay tahay in si guud loo wada raadiyo.

S09A6952 S09A6956 S09A6973 S09A6975 S09A6993 S09A7049 S09A7061 S09A7094 S09A7235 S09A7294 S09A7339 S09A7430 S09A7547 S09A7705

S09A6975

Previous Post

Gudoomiyaha G/Hiiraan oo kormeeray xarumo lagu daweeyo dadka uu soo ritay cudurka shibanbiyoodka

Next Post

Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed oo Fursado shaqo Soo bandhigeyso.

Next Post
Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed oo Fursado shaqo Soo bandhigeyso.

Hay'ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed oo Fursado shaqo Soo bandhigeyso.

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In