Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha K/galbeed oo hoyga Muqdisho uu ka deganyahay ku soo dhaweeyey madaxweynaha Puntland

admin by admin
September 12, 2020
in Wararka
0
Madaxweynaha K/galbeed oo hoyga Muqdisho uu ka deganyahay ku soo dhaweeyey madaxweynaha Puntland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo howla shaqo ujooga Magaalada muqdisho ee Caasimada Dalka ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani oo Booqasho iyo Salaan ugu yimid.

Masuuliyiinta ayaa qaatay kulan ku saabsanaa isxog wareysi iyo kala warqaadasho Arrimaha Siyaasadda Dalka, Doorka labada Dowlad goboleed ay ka qaadanayaan Geedi socodka Dowladnimada Dalkeena,ka shaqeynta Amniga,Hormarinta Dhaqaalaha,la dagaalanka Argigixisada iyo Horumarinta Bulshada.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Kulanka ayaa sido kale Labada Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Dani iyo Abdicasiis Xasan Maxamed lafta gareen kaga hadleen Wanaajinta iyo iskaashiga labada maamul ee Puntland iyo Koonfur Galbeed iyo Dadaallada lagu Dardargelinayo Hannaanka Dowladeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen ayaa Uga Mahadceliyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Dani Booqashada ugu Yimid. Kulanka ayaa sido kale waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye guud Mahad Abdiraxmaan Aadan, Taliyaha Ciidanka Booliska, Siihayaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Dr Cali Saciid Fiqi.

Previous Post

Madaxweynaha Jubbaland oo Hay’adaha ammaanka faray in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo kiisaskii ka dhacay Kismaayo+SAWIRRO

Next Post

Qaban qaabada aaska guddoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland marxuum Shaafi oo ka socta Kismaayo

Next Post
Qaban qaabada aaska guddoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland marxuum Shaafi oo ka socta Kismaayo

Qaban qaabada aaska guddoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland marxuum Shaafi oo ka socta Kismaayo

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In