Tababar ku saabsan baarista Danbiyada iyo Xaquuqul insaanka ayaa maanta magaalada Baydhabo looga furay Askar ka tirsan laamaha Ammaanka ee maamulka K/Galbeed.
Madaxweynaha maamulka KG mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa furay tababarkaasi, waxaana goob joog ka ahaa xubno ka tirsan golaha wasiirrada .Xildhibaanno iyo waliba Saraakiil ciidan oo ka kala socoday Laamaha Amaanka
Shariif Xasan Sheekh aadan Madaxweynaha maamulka K/galbeed ayaa kula dardaarmey Askartaasi iney ka faa’iideystaan casharada ay ku qaadanayaan tababarkaasi, wuxuuna ku booriyay iney shaqadooda ku dabaqaan.
Dhanka kale Magaalada Baydhabo maanta waxaa lagu qabtay Kulan lagu taagyeerayey golaha wasiirada cusub ee dhawaan uu soo magacaabey madahaweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Kulanka waxaa ka qeybgaley wasiirro xildhibaanno, Dhalinyaro, Haween .Gudoomiyaha Maamulka G/Baay . iyo duqa degmada Baydhabo.
Qaar ka mid ah dadkii ka qeybgaley kulanka ayaa ka hadlay Maraxadda siyaasadeed ee xiligan ka jirta KG iyo waliba muhiimada ay leedahay.
Maxamed Xasan Fiqi Wasiirka Beeraha iyo Waraabka oo gabagabadii munaasabadaasi ka hadley ayaa ugamahadceliyey qabanqaabiyaashi kulanka Taagyeerada ah oo ay u muujiyeen wasiirrada cusub.