Friday, September 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Galmudug ”Magaalada Dhuusomareeb waxaan ku tagaynaa qaab nabadeed dhawaan”+Dhageyso

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Galmudug ”Magaalada Dhuusomareeb waxaan ku tagaynaa qaab nabadeed dhawaan”+Dhageyso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay ay soconayaan qorshayaal isugu jira sidii amni loogu soo dabaali lahaa deegaanada Galmdug iyo xoojinta arrimaha dib u heshiisiinta si loogu guuleysto hadafka uu maamulkaasi uu hoogsanayo.

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmduug oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay amniga guud, iyo wax uu maamulka ka damacsanyahay sidii loo wajihi lahaa arrimahaasi, xili weli ay jirto tabashooyin ay qabaan maamulka Ahlusuna Waljamaaca ee Gobolada Dhexe ee dalka.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Cusmaan Ciise Nuur(Taardhuleed) oo ah wasiirka Amniga Gakmudg ayaa ugu horeyn waxaa uu ka hadlay dagaalo dhawaan ka dhacay deegaano katirsan Gobolka Galgaduud,isagoo xusay in ciidamada Galmudug aysan wax lug ah ku lahayn dagaaladaasi.

“Waad ogtihiin muddo 3 bilaad ku dhow waxaa dagaalo ay ka dhacayeen deegaano katirsan Galmudug,sida Xeraale, dad badan ayaa ku dhintay, kuwo kale waa ay barakeceen,weli deegaanadii waa cidlo, maamulka Galmudug waxaa uu wadaa dadaalo ku aadan sidii gar gaar loo gaarsiin lahaa dadkaasi”, Ayuu yir Wasiirka Amniga Galmudug.

Wasiirka Amniga Galmudug ayaa sheegay in amniga aan la sugi Karin ilaa wada hadal lagu dhameeyo cidkasta oo tabashooyin qabta.

“Waxaa inoo qorsheysan ka wasaarada ahaan in aan sugno amniga dhamaan deeganaada Galmudug,Maamulka Galmudug hadafkiisu waxaa uu yahay in waxkasta wada hadal lagu dhameeyo, si amniga loo sugu, waad ogtihiin Al-shabab waxaa ay joogaan deegaano badan, Magaalada Dhuuso Mareeb in latago waxay muhiim u tahay in laga guuleysto SHabaab, waxaana qorshaha uu yahay in wada hadalnabadeed aan halkaasi ku tago”, Ayuu intaasi sii raaciyay Wasiir (Taar-Dhuleed).

Madaxweynaha Dwoald Goboleedka Galmudug ayaa dhawaan sheegay in ay doonayaan in wada hadal lagu dhameeyo tabashooyinka ay qabaan Ahlusuna Waljamaaca,islamarkaan maamulka uu noqon doono mid loo dhan yahay.

Halkan hoose ka dhageyso hadalka Taardhuleed 

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2017/08/Cusmaan-Ciise-Nuur-Taardhuleed-.mp3
Previous Post

Madaxweynaha: “Anigu waxaan diyaar u ahay inaan billaabo wadahadallo dhab ah”Dhageyso

Next Post

Madaxweynaha K/Galbeed oo tababar u furay Askar ka tirsan laamaha Ammaanka

Next Post
Madaxweynaha K/Galbeed oo tababar u furay Askar ka tirsan laamaha Ammaanka

Madaxweynaha K/Galbeed oo tababar u furay Askar ka tirsan laamaha Ammaanka

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In