Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
10 months ago
in Wararka
0
Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa kormeer shaqo ku gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool, gaar ahaan degmooyinka Xudur iyo Waajid, si uu ugu kuur galo xaaladda bini’aadantinimo ee ka jirta halkaas iyo baahiyaha degdegga ah ee ay wajahayaan dadka deegaanka.

Madaxweyne Laftagareen, isagoo ka jawaabaya baaqii digniinta ahaa ee Wasaaradda Gargaaraka Maareynta Musiibooyinka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay dhawaan soo saartay, ayaa dadka ku nool degmooyinkaas gaarsiiyay gargaar horudhac ah oo loogu talagalay wax ka qabashada xaaladda abaareed ee jirta.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Madaxweynuhu wuxuu baaq rasmi ah iyo qeylo-dhaan xooggan u diray dhammaan hay’adaha gargaarka, Dowladda Federaalka, bulshada Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibedda, isagoo ku booriyay in si degdeg ah loo bixiyo gargaar bini’aadantinimo oo wax ku ool ah, si loo badbaadiyo nolosha dadka iyo xoolahaba, maadaama abaartu ay tahay mid halis ah oo haddii aan si dhaqso ah looga hortagin sababi karta macluul iyo dhimasho baahsan.

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay:

– In xaaladda gobolka ay u baahan tahay gurmad degdeg ah.

– In hay’adaha samafalka ay dardar geliyaan ka jawaabista baaqa Wasaaradda Gargaaraka Maareynta Musiibooyinka DKGS.

– In shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ka qeyb qaataan samatabixinta walaalahooda abaartu saameysay.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Laftagareen wuxuu ballan qaaday in Dowladda Koonfur Galbeed ay sii wadi doonto dadaallada ay ugu jirto la tacaalidda xaaladaha degdegga ah iyo gaarsiinta gargaarka meelaha ugu daran ee ay abaartu saameysay.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Next Post

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

Next Post
Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In