Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Koofur Galbeed Oo Ku Baaqay In Loo Gurmado Shacabka Uu Saameeyay Fatahaadda, Una Mahadceliyay Dowladda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Xukuumadda Oo Nus Milyan Doolar U Qoondeysay Gurmadka iyo Samata Bixinta Dadka Ay Saameeyeen Fatahaadda Degmada Afgooye “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa sheegay in lix kun iyo sideed boqol oo qoys ay ku barakaceen fatahaadda Webiga Shabeelle uu ka geystay degmada Afgooye, isagoo ku baaqay in loo gurmado dadka ay saameeyeen musiibada.

Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa sheegay in fatahaadda webiga ay saameysay nolosha qoysas badan oo ku noolaa Afgooye, isagoo xusay in laga cabsi qabo in webiga uu fatahaad kale oo horleh uu ka geysto deegaanno ka tirsan gobolka gaar ahaan Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Safaaradda Qatar ee dalka Ukraine

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Safaaradda Qatar ee dalka Ukraine

January 10, 2026
Duqa Muqdisho oo xarig jaray Parking cusub oo lagu soo kordhiyay garoonka Aadan Cadde

Duqa Muqdisho oo xarig jaray Parking cusub oo lagu soo kordhiyay garoonka Aadan Cadde

January 10, 2026

“Runtii maanta waxaan inta u soo istaagnay inaan ka hadalno arrinta fatahaadda webiga Shabeelle ee Degmada Afgooye iyo eeriyada ku dhow oo uu saameyn badan ku yeeshay, runtii meeshaas waxaa ka dhacday dhibaato xoog badan iyo barakac saameeyay ilaa lix kun iyo sideed boqol oo qoys ay ka baxeen guryahooda, waxaan rabnaa dadka Soomaaliyeed ninkasta oo wax heysta in loo gurmado walaalahood dadka reer Afgooye,”.ayuu yiri Madaxweyne Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay deeqda lacagta ah ay ugu yabooheen bulshada ku dhibaateysan Afgooye iyo deegaannada kale oo hoostaga.

“Dowladda Federaalka waxaan uga mahadcelineynaa gurmadkii ay noo sameeyeen, ayna u sameeyeen shacabkooda iyo dadka reer Afgooye lacagta shanta boqol kun ahayd ay ku deeqeen dowladda Federaalka, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Maaliyadda iyo dowladda oo dhan waan uga mahadcelineynaa, waxaan kaloo rabnaa in hadduu Ilaahey yiraahdo hay’adaha caalamiga ah, dowlad Goboleedyada iyo shacabka Soomaaliyeed oo dhan inay u gurmadaan dadkaas dhibaateysan oo biyaha ku dhex jiro, oo jiif la’aanta iyo cunno la’aanta ah”. ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay sameyn doonaan qorshe looga hortagayo in markale uu fatahaad sameyo webiga Shabeelle, ayna gacan weyn ka geysan doonaan in loo gurmado shacabkii uu saameeyay fatahaadda webiga.

 

 

 

 

 

Previous Post

Xukuumadda Oo Nus Milyan Doolar U Qoondeysay Gurmadka iyo Samata Bixinta Dadka Ay Saameeyeen Fatahaadda Degmada Afgooye “SAWIRRO”

Next Post

Taliye Odowaa Iyo Saraakiil Cidan Oo Kormeer Ku Tegay Xerada Ciidanka Kumaandooska Danab “SAWIRRO”

Next Post
Taliye Odowaa Iyo Saraakiil Cidan Oo Kormeer Ku Tegay Xerada Ciidanka Kumaandooska Danab “SAWIRRO”

Taliye Odowaa Iyo Saraakiil Cidan Oo Kormeer Ku Tegay Xerada Ciidanka Kumaandooska Danab “SAWIRRO”

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Safaaradda Qatar ee dalka Ukraine

The Government of Somalia has issued a statement regarding the attack on the Qatar Embassy in Ukraine

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- The Federal Republic of Somalia expresses its profound concern over the damage sustained by the Embassy of the...

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Safaaradda Qatar ee dalka Ukraine

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Safaaradda Qatar ee dalka Ukraine

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay weerarkii safaaradda dowladda Qatar...

Duqa Muqdisho oo xarig jaray Parking cusub oo lagu soo kordhiyay garoonka Aadan Cadde

Duqa Muqdisho oo xarig jaray Parking cusub oo lagu soo kordhiyay garoonka Aadan Cadde

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen(Muungaab),ayaa maanta xarigga ka jaray Parking cusub oo casri ah oo...

Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Danjiraha JFS ee South Africa Amb. Mohamed Sheikh issak, ayaa shalay uga qeybgalay shir Magaalada Rustenburg ee gobalka Northwest...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In