Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa magaalada bareykan ee makka Al-mukarrama ee Borqortooyada Sacuudi Carabiya kula kulmay xoghayaha guud ee ururka isku xirka caalamka islaamka Dr C/laahi Cabdi Al-muxsin Al-turki.
Shariif Xasan madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa ugu waramay xoghayaha guud ee ururk isku xirka caalamka islaamka horumarada ka jira Jamhuuriyada Soomaaliya , waxa uuna ugu mahad celiyay boqortooyada Sacuudiga Carabiya mashaariicda horumarineed iyo tan bini’aadanimada ay ka fulineyso gobolada Soomaaliya oo idil.