Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo socdaal ku maray Wanla-weyn iyo Bali-doogle

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Mudanayaal iyo waxgarad soo dhaweeyay baqii nabadeed ee madaxweynaha maamulka K/galbeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Wasiirada maamulkaasi ayaa shalay gaaray Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Tuulooyinka hoos yimaada, halkaasi oo ay kulamo kula qaateen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose, Saraakiisha Ciidamada Dowlada kuwa AMISOM ,Odayaasha Dhaqanka ,Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Kulanka ugu horeeya ayuu madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Soomaliya iyo xubnaha la socday waxa ay deegaanka Bali-dogle ay kula qaateen odayaasha iyo waxgaradka deegaankaasi, waxaana guddoomiye ku-xigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee maamulka gobolka shabeelaha hoose Cumar Maxamuud Cilmi uu ka warbixiyay xaaladaha deegaankaas iyo guud ahaan tan gobolka ka jira.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

“Culeys badan oo dhinaca waddooyinka ah ayaa jira Mudane oo ah caqabado ku saabsan gaadiidleyda qaada bulshada deegaanada isaga kala goysha caqabadahaas oo in badan ay dagaal la galeen ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, welina meelo badan ay culeysyadaas ay ka jiraan balse la doonayo in iyadoo la is kaashanayo culeysyadaas jira laga gudbo oo dadkan nabad gelyo sax ah ay helaan’’ ayuu yiri Cumar Maxamuud.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kadlay caqabaha dhinaca waddooyinka ah ee ka jira deegaanada gobolkaasi ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay xalinta caqabadaha ay tebayaan bulshada deegaannadaasi ku nool.

‘”Waxaan rajeynayaa in jidadkan oo furan uu Alle nala garab galo, waan ognahay in degmo degmo u gudbeyso aysan jirin ,tuulo tuulo u gudbeysa aysan jirin, waxaana rajeyneynaa in dadka ay isugu gudbaan oo dhulka sidii uu ahaan jiray uu noo noqdo,,in ninkii rabo inuu Xamar tego uu si nabad ah ku tago kii doonaya inuu Baydhabo tego uu tagi karo, ciidankana dadaalka ay muujiyeen aad ayay ugu mahadsanyihiin, laakiin hadana waxaan rabnaa in dadaalka ay sii wadaan” ayuu yiri Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sidoo kale Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa uu kulan kula qaatay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka, haweenka iyo qaar ka mid ah bulshada degmada, waxaana qaar ka mid ah dadkii kulanka ka qeyb galay ay wafdiga uga warameen xaaladaha dhabta ah ee degmadaasi ka jirta.

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa wado qorshe uu wada tashi kula sameynayo Odoyaasha  iyo Waxgaradka deegaanada gobolkaasi iyo sidii loo cirib tiri lahaa Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyed ee UGUS.

Previous Post

Deg Deg: Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay Shuceyb iyo Faarax “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirada Arrimaha gudaha iyo Qorsheynta oo Cadaado kulan kula yeeshay guddiga farsamada

Next Post
Wasiirada Arrimaha gudaha iyo Qorsheynta oo Cadaado kulan kula yeeshay guddiga farsamada

Wasiirada Arrimaha gudaha iyo Qorsheynta oo Cadaado kulan kula yeeshay guddiga farsamada

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In