Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo socdaalkiisa ugu horeeyay ku tegay Xudur “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 29, 2018
in Wararka
0
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo socdaalkiisa ugu horeeyay ku tegay Xudur “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha cusub ee Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdiasiis Xasan Maxamed Lafta gareen  oo aqbalay codsigii bulshada reer Bakool oo ahaa in safarkiisa ugu horeeya uu ku bilaabo Gobolka Bakool ayaa maanta wafdi oo uu horkacayo waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Xudur ee xaruunta Gobolka Bakool.

 

Related posts

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

July 13, 2025
Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ugu horeyn salaan sharaf ka qaatay ciidamada gaarka ah ee Koofur Galbeed Soomaaliya, waxaana uu mid mid u gacan qaaday bulshadii kala duwanayd ee soo dhoweyntiisa ka qeyb qaadanaysay.

Intaa ka dib Lafta gareen iyo wafdigiisa waxa loo galbiyey guriga martida ee Degmada Xuddur.

Ugu horeyn waxa ka hadley Guddoomiyaha Degmada Xuddur Maxamed Macalin iyo Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool waxayna sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in madaxweynaha Koonfur Galbeed safarkiisii ugu horeeyey ku tego magaalada Xudur.

Madaxweynaha cusub ee Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdiasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo lahadleyay bulshada ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta balaaran ee loo sameeyey isagoo xusey in kulamo gaar gaar ah uu layeelanayo Maamulka, Saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxana lagu wadaa in maalinta berito uu booqdo xarumaha bulshada loogu adeego ee ku yaalo Degmada Xudur.

Previous Post

Wasaaradda Maaliyadda: Specific Procurement Notice

Next Post

Xildhibaanada Golaha shacabka oo ka dooday Miisaaniyadda sanadka 2019-ka

Next Post
Xildhibaanada Golaha shacabka oo ka dooday Miisaaniyadda sanadka 2019-ka

Xildhibaanada Golaha shacabka oo ka dooday Miisaaniyadda sanadka 2019-ka

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

July 13, 2025
0

Diyaaraddii Air India ee ku burburtay 12-kii June 2025 magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya, ayaa noqday mid si weyn u...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas oo khuseeya sugidda Amniga Duulista Rayidka, heshiisyada ay Soomaaliya xubinta ka...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In