Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Soomaaliya: “Ma jiri doonto wax muddo kordhin ah” (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Soomaaliya: “Ma jiri doonto wax muddo kordhin ah” (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 28 June , 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyey in dowladdiisa ay ka go’an tahay in dalka ay doorasho ka dhacdo sannadka 2016, isla markaana la dardar-gelinayo hawlaha la xiriira fulinta barnaamijyada Hiigsiga 2016.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyey munaasabad uu afur xarunta madaxtooyada ugu sameeyay xubnaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee PDB oo uu madaxweynaha ka tirsan yahay.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in lixdii tiir ee dowladdiisa ay balanqaaddey doorashada 2012 kadib ay wax badan ka qabsoomeen, wax kalena ay dhiman yihiin.

“Waxaa dowladda ay ku talaabsatey horumar dhinacyada la dagaalanka musuqmaasuqa, fidinta maamulka, maamul wanaagga iyo in dalka loo diyaariyo isbeddelo siyaasadeed oo ka dhaca 2016, kuwaas oo qeyb ka ah barnaamijka Hiigsiga 2016. Hawlo kale oo badan ayaa inoo harsan, maadaama uu dalku ka soo kabanayo colaado sokeeye, una baahan yahay dib u dhis’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha sheegay in baarlamanka uu dhowaan guda geli doono ka doodista sharciga asxaabta siyaasadda dalka, isla markaana dhammaan xisbiyada haatan jira oo PDP ay ka mid tahay ay raaci doonaan nidaamka dastuuriga ee diiwaan gelinta asxaabta siyaasadda marka sharci ahaan loo meel mariyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ku booriyay xubnaha Xisbiga PDP inay sii labanlaabaan hawlihii looga bartey ee ay bulshada ugu adeegayeen, sida caawinta dadka danyarta iyo hirgelinta mashaariicda horumarka.

-DHAMMAAD-

        unnamed

unnamed (9)

unnamed (8)

unnamed (7)

unnamed (6)

unnamed (5)

unnamed (4)

unnamed (3)

unnamed (2)

unnamed (8)

unnamed (1)

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Bisha Cas Imaaraadka oo deeq afurin ah gaarsiisay Qoysas danyar ah “SAWIRRO”

Next Post
Bisha Cas Imaaraadka oo deeq afurin ah gaarsiisay Qoysas danyar ah “SAWIRRO”

Bisha Cas Imaaraadka oo deeq afurin ah gaarsiisay Qoysas danyar ah “SAWIRRO”

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In