Friday, March 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Soomaaliya: “Ma jiri doonto wax muddo kordhin ah” (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Soomaaliya: “Ma jiri doonto wax muddo kordhin ah” (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 28 June , 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyey in dowladdiisa ay ka go’an tahay in dalka ay doorasho ka dhacdo sannadka 2016, isla markaana la dardar-gelinayo hawlaha la xiriira fulinta barnaamijyada Hiigsiga 2016.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyey munaasabad uu afur xarunta madaxtooyada ugu sameeyay xubnaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee PDB oo uu madaxweynaha ka tirsan yahay.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in lixdii tiir ee dowladdiisa ay balanqaaddey doorashada 2012 kadib ay wax badan ka qabsoomeen, wax kalena ay dhiman yihiin.

“Waxaa dowladda ay ku talaabsatey horumar dhinacyada la dagaalanka musuqmaasuqa, fidinta maamulka, maamul wanaagga iyo in dalka loo diyaariyo isbeddelo siyaasadeed oo ka dhaca 2016, kuwaas oo qeyb ka ah barnaamijka Hiigsiga 2016. Hawlo kale oo badan ayaa inoo harsan, maadaama uu dalku ka soo kabanayo colaado sokeeye, una baahan yahay dib u dhis’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha sheegay in baarlamanka uu dhowaan guda geli doono ka doodista sharciga asxaabta siyaasadda dalka, isla markaana dhammaan xisbiyada haatan jira oo PDP ay ka mid tahay ay raaci doonaan nidaamka dastuuriga ee diiwaan gelinta asxaabta siyaasadda marka sharci ahaan loo meel mariyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ku booriyay xubnaha Xisbiga PDP inay sii labanlaabaan hawlihii looga bartey ee ay bulshada ugu adeegayeen, sida caawinta dadka danyarta iyo hirgelinta mashaariicda horumarka.

-DHAMMAAD-

        unnamed

unnamed (9)

unnamed (8)

unnamed (7)

unnamed (6)

unnamed (5)

unnamed (4)

unnamed (3)

unnamed (2)

unnamed (8)

unnamed (1)

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Bisha Cas Imaaraadka oo deeq afurin ah gaarsiisay Qoysas danyar ah “SAWIRRO”

Next Post
Bisha Cas Imaaraadka oo deeq afurin ah gaarsiisay Qoysas danyar ah “SAWIRRO”

Bisha Cas Imaaraadka oo deeq afurin ah gaarsiisay Qoysas danyar ah “SAWIRRO”

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire...

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
0

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira kulan muhiim ah oo ay galabta...

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026
0

Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  XFS,Ururka Dhaqaatirta iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu talagalay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In