Saturday, May 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘’Maamulka cusub ee Galmudug waxaan uga fadhinaa inuu ka shaqeeyo nabadda iyo horumarka shacabka “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 24, 2015
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha: ‘’Maamulka cusub ee Galmudug waxaan uga fadhinaa inuu ka shaqeeyo nabadda iyo horumarka shacabka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Cadaado kaga qeybgaley munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka maamulka ku meel gaarka ah ee Galmudug.

Madaxweynaha oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa mar kale u hambalyeeyay Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo maamulkiisa, isagoo sheegay dhismahan maamulkan looga fadhiyo inuu daboolo baahida shacabka ku dhaqan gobollada dhexe.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

May 23, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

May 22, 2025

‘’Mabda’a Dowladda Federaalka uu ku dhisan yahay ayaa ah nabad iyo dib u heshiisiin, maamulka Galmudugna, waxaan ka filayaa inay waddadaasi raacaan si aan inaguna u taageerno. Shacabku wuxuu u oomman yahay nabad iyo horumar, waana idin ku dhiirigelinayaa inaad ka shaqeysaan wanaagga iyo rabitaanka shacabka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha uu ammaan u jeediyay kooxihii iyo shakhsiyaadkii kala duwanaa ee la yimid tanaasulka siyaasadeed ee ugu dambeyntii suurageliyey inuu najaxo dhismaha maamulka Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale ugu baaqey ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca inuu ku soo biro maamulka Galmudug, waxaana uu ku ammaaney doorkii iyo halgankii ay u soo galeen inay gobollada dhexe ka sifeeyaan kooxaha nabad-diidka ah.

“Ahlu Sunna doorkooda cidna ma dafiri karto. Mar walba waxay mudan yihiin in la soo dhoweeyo, wadahadalna lala furo. Si la mid ah maamullada kale ee ku meel gaarka ah ee waddanka laga dhisay oo qaarkood ay tabashooyin ka soo if-baxeen,ayaa maamulkani cusubna haddii ay tabashooyin jiraan, waxaan diyaar u nahay inaan ka qeyb qaadanno sidii loo xalin lahaa, horeyna loogu socon lahaa’’.

Munaasabadda caleema saarka madaxda maamulka ku meel gaarka ee Galmudug ayaa waxaa ka soo qeybgaley xubno ka tirsan labada gole, diblomaasiyiin , mas’uuliyiinta dowladda qaarkood, madaxda maamullada gobollada qaarkood iyo marti sharaf kale.

 

madaxweyne adado (1) madaxweyne adado (2) madaxweyne adado (3) madaxweyne adado (4)

Previous Post

DAAWO SAWIRADA- Xafladda caleemo saarka madaxweynaha Galmudug.

Next Post

Daawo Sawirada:-Maalinta Olombikada Adduunka oo Laga Xusey Muqdisho

Next Post
Daawo Sawirada:-Maalinta Olombikada Adduunka oo Laga Xusey Muqdisho

Daawo Sawirada:-Maalinta Olombikada Adduunka oo Laga Xusey Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

May 23, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA, Mudane Maxamud Macallim Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ambassador Jamaal Maxamed Xasan Madaxa xarunta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

May 22, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka. Kormeerkan ayaa qeyb ka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah

May 22, 2025
0

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa todobaadlaha ah ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee...

Ciidanka xoogga dalka oo Jubada hoose ku dilay in ka badan 120 khawaarij ah

Ciidanka xoogga dalka oo Jubada hoose ku dilay in ka badan 120 khawaarij ah

May 22, 2025
0

Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa gobolka Jubbada hoose ku soo bandhigay hubkii ay ka soo furteen Khawaarijta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In