Saturday, April 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha maamulka Puntland oo soo gaaray Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha maamulka Puntland oo soo gaaray Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr .Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayey oo maanta 9-April-2016-ka kasoo amba baxay magaalada Garoowe ayaa waxaa siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen Wasiirro, Xidhibaano iyo saraakiil sare oo ka tirsan Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyey Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

April 17, 2026
Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

April 17, 2026

Madaxweynaha Puntland ayaa soo dhoweynta  kaddib  waxaa loo soo gudbiyey Qasriga Madaxtooyada Soomaliya halkaas oo uu warbaahinta kula hadlay ugana  warbixiyey ujeedka socdaalkiisa.

C/weli Gaas ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta wanaagsan ee loo sameeyey,  waxaana uu intaa sii raaciyey in ay halkaan u yimaadeen ka qayb galka shirka Madasha Wadatashiga qaran ee hoggaamiyayaasha National Leader Forum ee looga hadlayo doorashooyinka 2016-ka.

Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa shirka berrito  ka furmi doona magaalada Muqdisho u rajeeyey in uu noqdo mid guul iyo horumar u horseeda ummadda soomaaliyeed ee ay daashadeen abaaraha iyo colaaduhu.

Previous Post

Maamulka K/Galbeed oo dowladda F. S. ku bogaadiyay heshiiska ay la gashay Puntland+Dhageyso

Next Post

Madaxweynaha oo la filayo in uu saaka furo shir looga hadlayo doorashooyinka dalka

Next Post
Madaxweynaha oo la filayo in uu saaka furo shir looga hadlayo doorashooyinka dalka

Madaxweynaha oo la filayo in uu saaka furo shir looga hadlayo doorashooyinka dalka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

April 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa khudbad taabaneysa dhinacyo badan ka jeediyay fadhiga loo dhan...

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

April 17, 2026
0

Maamulka Degmada Buuhoodle,saraakiisha boliiska,kuwa daraawiishta iyo odayaasha dhaqanka ayaa yeeshay kulan looga hadlaayay xaaladda amni ee degmadaasi iyo qaabka loo...

Madaxda Wasaaradda Sportiga XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Ururada Dhallinyarada

Madaxda Wasaaradda Sportiga XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Ururada Dhallinyarada

April 17, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Axmed Yuusuf Xasan ayaa kulan la qaatay hoggaamiyeyaasha ururrada dhallinyarada ee ka...

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo Nirobi kula shiray Mas’uuliyiin ka tirsan K/ Kuuriya

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo Nirobi kula shiray Mas’uuliyiin ka tirsan K/ Kuuriya

April 17, 2026
0

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Ka hortagga iyo La dagaallanka fikradaha Xagjirka ah ee wata rabshadaha Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In