Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo bogaadiyay hawlgallada caalamiga ee ka hortagga hubka sida sharci-darrada ah loo soo gelinayo Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo madaxda gobolka kala hadlaya arrimaha amniga iyo la dagaalanka argagixisada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 29 March 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bogaadiyay dadaalka waddamada caalamka ee saaxiibka ah ay uga hortagayaan hubka sida sharci-darrada ah la isugu dayayo in la soo geliyo Soomaaliya, oo ujeeddada laga leeyahay ay tahay in colaad iyo xasilooni-darro dalka looga abuuro.

“Waa war lagu farxo in ciidammada dalka Faransiiska ay gacanta ku dhigeen doon sidday shixnad hub si sharci-darro ah la doonayay in waddanka la soo geliyo. Waa hubaal in hubkaas uu ku socday kooxaha qas-wadeyaasha ah. Waxaan iyana bogaadinayaa ciidammada Australia oo dhowaan gacanta ku dhigay shixnad kale oo hub ah oo loo soo wadey Soomaaliya’’.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen Faransiiska iyo Australia ay gacan ka geysaneyso xasiloonida gobolka.

“Hawlgalkan ay ciidammada Australia iyo Faransiiska ku soo qabteen shixnadahan hubka ah waxay xoojineysa qaraarkii ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo tirsigiisu ahaa 2244 (2015) ee cunaqabateynta hubka, kaas oo gacan ka geysanaya xasiloonida Soomaaliya iyo gobolka intiisa kale. Tallaabadan waa mid ku dayasho mudan oo aan filayno in dalalka kale ay iyaguna ku dhaqaaqi doonaan’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu ugu dambeyntii ugu baaqey beesha caalamka inay sii wadaan hawlgalladan looga hortagayo hubka sida sharci-darrada ah dalka ugu soo qulqulaya, si uu u najaxo barnaamijka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee nabadda, xasiloonida iyo ciribtirka kooxda argagixisada ee Al Shabaab.

——————–DHAMMAAD–—————–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

Previous Post

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo La Kulmay Wafdi Kasocday Qaramada Midoobey “Sawirro”

Next Post

Wasaaradda Qorsheynta oo sheegtay in uu meel wanaagsan marayo qorshaha Qaran ee dalka

Next Post
Wasaaradda Qorsheynta oo sheegtay in uu meel wanaagsan marayo qorshaha Qaran ee dalka

Wasaaradda Qorsheynta oo sheegtay in uu meel wanaagsan marayo qorshaha Qaran ee dalka

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In