Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo bogaadiyay hawlgallada caalamiga ee ka hortagga hubka sida sharci-darrada ah loo soo gelinayo Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo madaxda gobolka kala hadlaya arrimaha amniga iyo la dagaalanka argagixisada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 29 March 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bogaadiyay dadaalka waddamada caalamka ee saaxiibka ah ay uga hortagayaan hubka sida sharci-darrada ah la isugu dayayo in la soo geliyo Soomaaliya, oo ujeeddada laga leeyahay ay tahay in colaad iyo xasilooni-darro dalka looga abuuro.

โ€œWaa war lagu farxo in ciidammada dalka Faransiiska ay gacanta ku dhigeen doon sidday shixnad hub si sharci-darro ah la doonayay in waddanka la soo geliyo. Waa hubaal in hubkaas uu ku socday kooxaha qas-wadeyaasha ah. Waxaan iyana bogaadinayaa ciidammada Australia oo dhowaan gacanta ku dhigay shixnad kale oo hub ah oo loo soo wadey Soomaaliyaโ€™โ€™.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen Faransiiska iyo Australia ay gacan ka geysaneyso xasiloonida gobolka.

โ€œHawlgalkan ay ciidammada Australia iyo Faransiiska ku soo qabteen shixnadahan hubka ah waxay xoojineysa qaraarkii ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo tirsigiisu ahaa 2244 (2015) ee cunaqabateynta hubka, kaas oo gacan ka geysanaya xasiloonida Soomaaliya iyo gobolka intiisa kale. Tallaabadan waa mid ku dayasho mudan oo aan filayno in dalalka kale ay iyaguna ku dhaqaaqi doonaanโ€™โ€™.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu ugu dambeyntii ugu baaqey beesha caalamka inay sii wadaan hawlgalladan looga hortagayo hubka sida sharci-darrada ah dalka ugu soo qulqulaya, si uu u najaxo barnaamijka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee nabadda, xasiloonida iyo ciribtirka kooxda argagixisada ee Al Shabaab.

——————–DHAMMAAD–—————–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

Previous Post

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo La Kulmay Wafdi Kasocday Qaramada Midoobey “Sawirro”

Next Post

Wasaaradda Qorsheynta oo sheegtay in uu meel wanaagsan marayo qorshaha Qaran ee dalka

Next Post
Wasaaradda Qorsheynta oo sheegtay in uu meel wanaagsan marayo qorshaha Qaran ee dalka

Wasaaradda Qorsheynta oo sheegtay in uu meel wanaagsan marayo qorshaha Qaran ee dalka

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In