Thursday, July 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo cambaareeyay qaraxii Istanbul

caqiil by caqiil
June 29, 2016
in Wararka
0
Madaxweynaha oo cambaareeyay qaraxii Istanbul
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriaydda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud , ayaa si adag u cambaareeyay Weerakii kooxda Argagixisada ah ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha Ataturk ee magaalada Istanbul.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa ku tilmaayay weerakaas mid waxuushnimo ah, waxa uuna xusay in ujeedka Argagixisadu leedahay ay tahay in ay laayaan dadka maatida ah, loona baahan yahay in caalamku ay u midoowaan la dagaalan kooxaha caadeestay daadinta dhiiga dadka aan waxba galabsan.

Related posts

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

July 10, 2025
Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

July 10, 2025

Xasan Sheekh ,ayaa tacsi u direy Madaxda dowladda Turkiga iyo ehelada dadkii ku dhintay weerakaas, sidoo kalana wuxuu alle uga baryay in uu deg deg u bogsiiyo kuwa ku dhaawacmay falkaas argagixisnimo.

“Anigoo ku hadlayo magaca umada Soomaaliyeed waxaan tacasi udirayaa Madaxda dowlada Turkiga iyo Shacabkii ay wax yeelada ka soo gaartay weerarka kooxda Argagixisada ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Istanbuul,waxaana alle ugu baryaa dadkii ku dhaawacmay in alle deg deg caafimaad siiyo, ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Weerarka ka dhacay garoonka diyaaradaha Istanbuul waxaa ku naf waayay 36 ruux, waxaana sido kale ku dhaawacmay 147 kale.

Previous Post

Tababar ka furmay wasaaradda warfaafinta

Next Post

Culimada Soomaaliyeed oo deeq raashiin ah loo qeybiyay

Next Post
Qaxooti Yamaniyiin ah oo deeq raashiin ah la gaarsiiyay

Culimada Soomaaliyeed oo deeq raashiin ah loo qeybiyay

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

July 10, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Cammaan...

Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

July 10, 2025
0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Shaqada...

Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

July 9, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay munaasabad heer caalami ah oo lagu guddoonsiiyay Senator Xasan Iidow Muxumed (Kobac)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 9, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee Soomaaliya (SoDMA) mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Safiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In