Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo culumada ku boorriyay in ay faafiyaan fahamka saliimka ah ee Islaamka si shacabka loo badbaadiyo (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha oo culumada ku boorriyay in ay faafiyaan fahamka saliimka ah ee Islaamka si shacabka loo badbaadiyo (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

05 April 2015, Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay xubno ka tirsan culuma’udiinka Soomaaliyeed.

Kulankaasi ayaa looga wadahadlayay doorka culimadu ay ku leeyihiin dib u dhiska dalka, ka hortagga kooxaha sida xun u adeegsada diinta Islaamka iyo cambaareyn weerarkii wuxashnimada ahaa ee ka dhacay magaalada Gaarisa ee Kenya, kaas oo lagu diley 148 qof oo aan waxba galabsan.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Kulankaasi oo uu goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, ayaa Madaxweynaha waxaa uu kaga hadley muhimadda iskaashi buuxa oo dhexmara culumada iyo dowladda, si kor loogu qaado fahamka saxda ee diinta Islaamka.

“Waa muhiim in fikirka bulshadeennu uu noqdo mid saliim ah oo dadka iyo dalkeenna lagu badbaadin karo. Weerarkii waxashnimo ee ardayda lagu laayay ee Gaarrisa ka dhacay, waxaa geystey kooxo diinta Islaamka meel uga dhacay, iyagoo doonaya inay colaad abuuraan. Hadafkeennu waa in aan dalalka deriska ah nabad ku wada noolaanno, si taas loo gaarana waa lagama maarmaan in aan wadashaqeyno culumada’’.

Culumada oo iyaguna fadhigaas ka hadlay ayaa taageeray fikirka Dowladda, isla markaana sheegay in ay diyaar u yihiin wacyi gelinta bulshada, kor u qaadista fahamka saliimka ah ee diinta Islaamka iyo inay ka shaqeeyaan dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta.

M.weynaha 1 M.weynaha 11

Previous Post

Magaca Mid Ka Mid ah Maleeshiyaadkii Weeraray Jamaacada Garissa oo La Shaacisay

Next Post

Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka Ximan iyo Xeeb oo tababar loo furay “SAWIRRO”

Next Post
Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka Ximan iyo Xeeb oo tababar loo furay “SAWIRRO”

Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka Ximan iyo Xeeb oo tababar loo furay “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In