Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Magaca Mid Ka Mid ah Maleeshiyaadkii Weeraray Jamaacada Garissa oo La Shaacisay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 5, 2015
in Wararka
0
Magaca Mid Ka Mid ah Maleeshiyaadkii Weeraray Jamaacada Garissa oo La Shaacisay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Kenya ayaa shaacisay magaca mid ka mid afartii qof ee weerartay jaamacadda magaalada Garissa oo ay ku geeriyoodeen 148-qof oo u badnaa aradadii wax ka baraneysay jaamacadda.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa magaca ninkaasi ku sheegtay Abdirahim Mohamed Abdullahi oo haysta dhalashada Kenya,aabihiisna uu horey u ahaa Gudoomiyihii hore ee deegaanka Buulo Jamhuri oo ka tirsan degmada Mandhera.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Aabaha dhalay wiilkan ayaa horey ugu war galiyay ha’adaha ammaanka ee dalka Kenya in wiilkiisa uu waayay,uuna u maleynayo in uu ku biiray kooxda Al-shabaab.

Aabaha dhalay wiilkan ayaa sheegay in markii u danbeysay oo uu la hadlay wiilkiisa ay aheyd sanadkii hore,mana u sheegin meesha uu joogo.

Abdirahim Mohammed Abdullahi ayaa ka qalin jebiyay Dugsiga sare ee WAMY ee magaalada Nairobi sanadkii 2007.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Kenya Mwenda Njoka ayaa sheegay in Abdirahim Abdullahi uu sanadkii 2013 ka qalin jabiyay qeybta sharciga ee jaamacadda Nairobi,isagoo ahaa qareen soo baxayay.

Aabaha dhalay Abdirahim Mohammed Abdullahi ayaa maanta soo gaaray magaalada Nairobi,isagoo diiday in uu warbaahinta la hadlo.

Taliyaha booliska ee degmada Mandera Alex Nkoyo ayaa sheegay in aabaha dhalay dhagar qabahan uu ku soo war galiyay in uu jaray xiriirkii uu la lahaa wiilkiisa,ka db markii uu uga shakiyay in uu ku biiray kooxda argagixisada ah ee UGUS.

Dhagar qabahan ayaa la aqoonsaday ka dib markii ciidamada milatariga ay magaalada Garissa ku soo bandhigeen meydadka afartii qof ee weerartay jaamacadadii magaaladasi.

Previous Post

Real Madrid oo Xasuuqday Granada iyo Ronaldo oo Shan Gool Dhaliyay “Sawirro”

Next Post

Madaxweynaha oo culumada ku boorriyay in ay faafiyaan fahamka saliimka ah ee Islaamka si shacabka loo badbaadiyo (Sawirro)

Next Post
Madaxweynaha oo culumada ku boorriyay in ay faafiyaan fahamka saliimka ah ee Islaamka si shacabka loo badbaadiyo (Sawirro)

Madaxweynaha oo culumada ku boorriyay in ay faafiyaan fahamka saliimka ah ee Islaamka si shacabka loo badbaadiyo (Sawirro)

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In