Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo dalka ku soo laabtay

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo ku dhawaaqay waqtiga shirka maamul usameynta gobolada dhexe furmayo iyo Caasimada maamulkaas
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdigii uu hogaaminaayay oo dalka Koonfur Afrika ugu qeybgalay shir madaxeedka Midowga Afrika oo lagu qabtay magaalada Johannesburg ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa waxaa ku soo dhaweeyay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”,xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa intii uu ku sugnaa dalka Koonfur Afrika ka sokow ka qeybgalka shirka midowga Afrika,waxaa uu halkaasi kulan kula yeeshay madaxda dalalkooda ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya isagoo ugu mahadceliyay taageerada dhanka amniga oo ay siiyeen Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxaa uu kulan balaaran la yeeshay jaalliyadda Soomaaliyeed oo key dhaqan dalka Koonfur Afrika kaas oo ka dhacay magaalada Johannesburg.

Maxamed Cali Mire oo ah qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi isla markaana ah ku simaha xilka safiirka oo kulanka ka hadlay ayaa madaxweynaha iyo mas’uuliyiintiintii la socotay waxaa uu u sheegay in jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ay yihiin dad aad u wanaagsan oo ah dad wax soo saar leh,isagoo xubnihii soo qaban qaabiyay kulanka aad u bogaadiyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaas kula hadlay jaalliyadda ayaa ugu warbixiyay xaaladda dalka uu iminka ku sugan yahay gaar ahaan arimaha ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo dib u dhiska ka socday dalka guud ahaan.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in fikirka Al-shabaab uu yahay fikir ka yimid dibadda isla markaana uusan la heyd dhalasho gaar ah iyo xuduud uu ku egyahay loona baahan yahay in ay in la iska ilaaliyo.

Madaxweynaha ayaa jaalliyadda ka codsaday in ay ka qey qaataan gurmadka loo sameynaayo dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Yeman oo ay dagaalo ka socdaan,waxaana uu tilmaamay in dalkaasi ay ku nool yihiin 260,000 oo key diiwaangashan Qaramada Midoobay tiro kale oo ku dhow 100,000 ay yihiin kuwo ku kala nool guud ahaan dalkaasi.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dowladda Soomaaliya sidoo kale sheegay in dhibaatada jaalliyadda Soomaaliyeed loogu geysto dalka Koonfur Afrika aysan aheyd mid ay ka dambeyso dowladda  Koonfur Afrika,balse Soomaaliya ay isku dayso in ay wax ka qabato arimahaasi.

 

Previous Post

Doorka Waalidka, Culimada iyo Oday dhaqameedyada Dhageyso

Next Post

Gudoomiye Jawaari oo shacabka ugu baaqay in ay isku kalsoonaadaan

Next Post
Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha barlamaanka oo dalka dib ugu soo laabtay

Gudoomiye Jawaari oo shacabka ugu baaqay in ay isku kalsoonaadaan

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In