Wednesday, January 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo dib Muqdisho ugu soo laabtey, kadib markii uu ka soo qeybgaley caleema saarka madaxda maamulka KMG ee Galmudug “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo dib Muqdisho ugu soo laabtey, kadib markii uu ka soo qeybgaley caleema saarka madaxda maamulka KMG ee Galmudug “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Iskaashiga Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogaysanaya

Iskaashiga Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogaysanaya

January 21, 2026
Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

January 21, 2026

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud kaga soo qeybgaley munaasabadda caleema saarka madaxda maamulka cusub ee KMG ee Galmudug.

Madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen xubno ka tirsan labada gole, ayaa khudbad uu ka jeediyay xafladda caleema saarka diiradda ku saarey sida dowladda ay uga go’an tahay dhaqangelinta nidaamka xukunka lagu baahinayo, si shacabka ay u helaan adeeg hufan oo baahidooda daboolaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaanu ka soo ambabixin Cadaado kula dardaarmey madaxda Galmudug inay ka shaqeeyaan nabadda, isla markaana dowladdu ay diyaar u tahay inay kala shaqeyso xalinta tabashooyinka inta badan ka dhasha dhismaha maamullada.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed

Previous Post

Sanadguuradii Afaraad Ee Ka Soo Wareegtay Booqashadii Koobaad Ee Erdogan Ku Yimid Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Daawo Sawirrada: Damaashaadka Jimcaha ee xeebta Liido

Next Post
Daawo Sawirrada: Damaashaadka Jimcaha ee xeebta Liido

Daawo Sawirrada: Damaashaadka Jimcaha ee xeebta Liido

Iskaashiga Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogaysanaya

Iskaashiga Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogaysanaya

January 21, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

January 21, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Arbacada maanta ah waxa uu kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada hadal taleefan ugu hambalyeeyay dhiggiisa Dalka Uganda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada hadal taleefan ugu hambalyeeyay dhiggiisa Dalka Uganda

January 21, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wada hadal taleefan la yeeshay Madaxweynaha dib loo doortay ee...

Duqa Muqdisho oo Shir-weynaha 5-aad ee looga hadlaayo Federaalka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho oo Shir-weynaha 5-aad ee looga hadlaayo Federaalka Soomaaliya.

January 21, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ka qaybgalay Shir-weynaha 5-aad ee Xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In