Wednesday, October 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo faahfaahin ka bixiyay kulankii taariikhiga ahaa ee uu la yeeshay hoggaamiyaha Shiinaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo faahfaahin ka bixiyay kulankii taariikhiga ahaa ee uu la yeeshay hoggaamiyaha Shiinaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Johannesburg, 5 December, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faahfaahin ka bixiyay kulankii gaarka ahaa ee uu xaley magaalada Johannesburg kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuriyadda Dadka ee Shiinaha Xi Jinping.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hoggaamiyaha Shiinaha uu ballanqaadey inuu mashaariic badan oo dhinaha dhaqaalaha ka fulinayo guud ahaan Soomaaliya, isla markaana la labanlaabayo iskaashiga labada dal.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

“Soomaaliya waxay leedahay saaxiibo badan oo kala qeyb qaadanaya dib u dhiska iyo abuurista fursado maalgashi. Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegaya inay Shiinaha oo awalba uu xiriir qota dheer inooga dhexeeyay aan isku afgaraney inaan iskaashigeena xoojino. Gobol walba oo Soomaaliya ka mid ah iyo dhammaan muwaadiniinta Jamhuriyadda Soomaaliya ayaa ka faa’ideysan doona mashaariicda uu Shiinuhu dalkeena ka fulin doono”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha xusay in Shiinaha uu mashaariic badan oo waxtar leh ka fuliyay qaaradda Afrika, isla markaana ay Soomaaliya baahi u qabto mashaariicda noocaasi ah, iyadoo weliba uu waddankeena leeyaha kheyraad farabadan oo uu caalamka kula tartami karo.

“Waddankeena caalamka intiisa badan ayaa daneynayaa oo doonaya inay wax nala qabtaan. Aan noqono ummad mid ah, isku duuban, diyaarna u ah inay dhisato Soomaaliya cusub oo nabad ah iyo, barwaaqo ah”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn shacabka ugu baaqey inay nabadda iyo xasiloonida ka shaqeeyaan, taasina ay keeni karto inaan si wanaagsan uga faa’ideysano kheyraadkeena.

Madaxweynaha iyo wafdi uu horkacayo ayaa magaalada Johannesburg ee dalka Koonfuur Afrika uga qeybgalayo Shir Madaxeedka Iskaashiga qaaradda Afrika iyo Shiinaha.

Shirkan oo shalay furmay ayaa la filayaa in maanta la soo gabagabeeyo.

Xaley waxaa uu Madaxweynaha ka qeybgaley xaflad casho sharaf ah oo uu Madaxweynaha Jamhuriyadda Koonfuur Afrika u sameeyay hoggaamiyeyaasha ka qeybgalaya Shir Madaxeedka Afrika iyo Shiinaha.

 

Previous Post

Ogaysiis:- Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ganacsatada U Soo Bandhigaya Tartan Qalab Loo Baahan Yahay

Next Post

Wasiirka difaaca iyo xubno kale oo la kulmay saraakiil ka tirsan Midowga Yurub “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka difaaca iyo xubno kale oo la kulmay saraakiil ka tirsan Midowga Yurub “SAWIRRO”

Wasiirka difaaca iyo xubno kale oo la kulmay saraakiil ka tirsan Midowga Yurub "SAWIRRO"

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In