Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo faahfaahin ka bixiyay kulankii taariikhiga ahaa ee uu la yeeshay hoggaamiyaha Shiinaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo faahfaahin ka bixiyay kulankii taariikhiga ahaa ee uu la yeeshay hoggaamiyaha Shiinaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Johannesburg, 5 December, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faahfaahin ka bixiyay kulankii gaarka ahaa ee uu xaley magaalada Johannesburg kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuriyadda Dadka ee Shiinaha Xi Jinping.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hoggaamiyaha Shiinaha uu ballanqaadey inuu mashaariic badan oo dhinaha dhaqaalaha ka fulinayo guud ahaan Soomaaliya, isla markaana la labanlaabayo iskaashiga labada dal.

Related posts

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

April 1, 2026
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026

“Soomaaliya waxay leedahay saaxiibo badan oo kala qeyb qaadanaya dib u dhiska iyo abuurista fursado maalgashi. Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegaya inay Shiinaha oo awalba uu xiriir qota dheer inooga dhexeeyay aan isku afgaraney inaan iskaashigeena xoojino. Gobol walba oo Soomaaliya ka mid ah iyo dhammaan muwaadiniinta Jamhuriyadda Soomaaliya ayaa ka faa’ideysan doona mashaariicda uu Shiinuhu dalkeena ka fulin doono”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha xusay in Shiinaha uu mashaariic badan oo waxtar leh ka fuliyay qaaradda Afrika, isla markaana ay Soomaaliya baahi u qabto mashaariicda noocaasi ah, iyadoo weliba uu waddankeena leeyaha kheyraad farabadan oo uu caalamka kula tartami karo.

“Waddankeena caalamka intiisa badan ayaa daneynayaa oo doonaya inay wax nala qabtaan. Aan noqono ummad mid ah, isku duuban, diyaarna u ah inay dhisato Soomaaliya cusub oo nabad ah iyo, barwaaqo ah”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn shacabka ugu baaqey inay nabadda iyo xasiloonida ka shaqeeyaan, taasina ay keeni karto inaan si wanaagsan uga faa’ideysano kheyraadkeena.

Madaxweynaha iyo wafdi uu horkacayo ayaa magaalada Johannesburg ee dalka Koonfuur Afrika uga qeybgalayo Shir Madaxeedka Iskaashiga qaaradda Afrika iyo Shiinaha.

Shirkan oo shalay furmay ayaa la filayaa in maanta la soo gabagabeeyo.

Xaley waxaa uu Madaxweynaha ka qeybgaley xaflad casho sharaf ah oo uu Madaxweynaha Jamhuriyadda Koonfuur Afrika u sameeyay hoggaamiyeyaasha ka qeybgalaya Shir Madaxeedka Afrika iyo Shiinaha.

 

Previous Post

Ogaysiis:- Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ganacsatada U Soo Bandhigaya Tartan Qalab Loo Baahan Yahay

Next Post

Wasiirka difaaca iyo xubno kale oo la kulmay saraakiil ka tirsan Midowga Yurub “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka difaaca iyo xubno kale oo la kulmay saraakiil ka tirsan Midowga Yurub “SAWIRRO”

Wasiirka difaaca iyo xubno kale oo la kulmay saraakiil ka tirsan Midowga Yurub "SAWIRRO"

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan muhiim ah xarunta Madaxtooyada...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In