Friday, August 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo furey kalfadhiga 8 aad ee baarlamaanka

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo maanta khudbad ka jeediyey xarunta baarlamaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kal fadhiga 8 aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho ugu furey madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo dastuuriyan u leh in uu furo kalfadhi kasta oo  mudanayaasha golaha shacabka u furmaya.

Kulanka aan caadiga aheyd ee lagu furayay kalfadhiga 8 aad ee baarlamaanka  ayaa waxaa khudbad qiimo weyn leh ka jeediyay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya,mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) isagoo ka hadlay arimo muhiim ah oo xaaladda dalka quseeya.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026

Guddoomiyaha ayaa sheegay in baarlamaanka mudadii la soo dhaafay uu ku talaabsaday wax qabad muuqda inkastoo uu sheegay in wax badan ay u harsan yihiin isla markaana kalfadhigan u dambeeya ay isku dayi doonaan in ay dhameystiraan howlaha hada horyaal golaha shacabka.

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sidoo kale sheegay in kalfadhigan 8 aad uu yahay kan ugu adag maadaama uu yahay kan lagu go’aaminayo mustaqbalka wadanka iyo meesha uu dalka u dhaqaaqayo.

Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo khudbadiisa dastuuriga aheyd ka jeediyay xarunta golaha shacabka ayaa ugu horeyn mahadcelin u jeediyay guddoonka iyo dhamaan mudanayaasha golaha shacabka sida ay howshooda ugu dhabar adeegaan xilli dalka uu ku jirey duruufo adag.

Madaxxweynaha ayaa sidoo kale baarlamaanka ugu hambalyay furitaanka kalfadhiga 8 aad oo ah kan u dambeeya baarlamaanka 9 aad ee Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay horumarka dalka uu gaaray ayaa tusaale ahaan u soo qaatay in muddo ku dhow 30 sano kadib dowladda Soomaaliya ay u suuragashay in ay xiriir wada shaqeyneed la yeelato hey’adda lacagta adduunka ee IMF.

“1988 ayay ugu dambeysay in Soomaaliya heshiis wada shaqeyneed la yeelato IMF, dhowaad wasiirkeena maaliyadda waxaa uu saxiixay heshiis iskaashi oo dhex maraya Soomaaliya iyo IMF, kaas oo dalka u horseedaya in deen uu codsado lagana cafin karo,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya waxyaabaha laga rabay in ay qabato ay ahaayeen labo qodob oo kala ah dib u eegista dastuurka iyo in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah sanadkan 2016, hase yeeshee qodobadaasi sidii loogu talagalay aysan u fulin isla markaana wax badab laga qabtay.

Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha dalka ayaa sheegay in arinta dib u eegista dastuurka gacanta lagu hayo isla markaana cutubyo badan oo dastuurka kamid ah dib u eegis lagu samaayay, waxaana uu tilmaamay in xukuumadda Soomaaliya iyo baarlamaanka oo wadajir ah horey u sheegeen in dalka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah duruufaha dalka ku jiro awgeed.

Madaxweynaha ayaa mudanayaasha baarlamaanka ka codsaday in mudada kooban ee u harsan ay shaqadooda labo gibaaraan isla markaana dul qaad badan muujiyaan.

“Wax kali ah aan doonayo ayaa ah in wax kasta oo suuragal ah la qabto isla markaana sharciyad loo sameeyo si howsha la qabanayo ay tixraac u yeelato,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha.

Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay mustaqbalka wadanka iyo meesha uu u socodo, isagoo sheegay in howlaha hadda la wado ay yihiin kuwo jiho quman u socda.

 

 

Previous Post

Xasan Xanafi oo la toogtay SAWIRO

Next Post

Qarax ka dhacay degmada Xamar weyne

Next Post
Kudhawaad shan boqol oo qof lagu soo qabtay howl-gal laga sameeyay Xamarweyne-DHAGAYSO

Qarax ka dhacay degmada Xamar weyne

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵𝗠𝘂𝗸𝗵𝘁𝗮𝗮𝗿𝗥𝗼𝗼𝗯𝗼𝘄𝗖𝗮𝗹𝗶, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Hay’adda Awqaafta...

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
0

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa caawa munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In