Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo guul ku tilmaamay shirka IGAD

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo guul ku tilmaamay shirka IGAD
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha-300x225Muqdisho, 10 Jan 2015.Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guul ku tilmaamey qabsoomidda shirka wasiirada arrimaha dibedda ee waddamada ururka IGAD oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Shirkan waxaa uu ahaa imtixaan dunida ay ku eegeyso kartideena, waxqabadkeena iyo inaan dib u soo ceshan karno kalsoonidii beesha caalamka ay nagu qabtey, Ilaahayna wuu nagu guuleeyey oo imtixaankii wan ku najaxney” ayuu yiri madaxweynaha oo xafiiskiisa kula hadlayey saxaafadda.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Madaxweynaha ayaa sheegey in ka guul gaarista qabsoomidda shirkan ay ka dhalatey iskaashiga dowladda iyo shacabka, taageerada dadka la’aanteedna aysan suuragal noqon lahayn in la qabto hawshan baaxadda weyn leh ee sharafta u soo hoysey dalka Somalia.

“Waxan aad ugu hambalyeynayaa shacabka, dulqaadka ay muujiyeen intii ay socdeen hawlaha shirka iyo qabanqaabada intaba. Intaa kadib in shacabka waxaa la gudboon inay muujiyaan kalsooni ah inay wax walba oo wanaagsan , horumarna u keeni kara waddanka ay qaban karaan, isla mar ahaantaana ay iska dhegatiraan dacaayadaha cadowga oo danta laga leeyahay ay tahay in shacabka lagu niyad jebiyo” ayuu raaciyey Madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale shacabka xusuusiyey in xalka mashaakilaadka dalka ka jira uu ku jiro gacanta shacabka, isla markaana xal shisheeye aanu dawo noqon karin.

Isagoo ka hadlayey arrimaha siyaasadda ee dalka madaxweynaha waxaa uu xusey in si habsami ah ay u socdaan hawlaha dalka looga hirgelinayo nidaaamka federaalka, kaas oo sal u noqon doona mustaqbalka siyaasadda Soomaaliyada cusub ee dimoqraadiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntii ugu baaqey shacabka in si wadajir ah ay uga shaqeeyaan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira, isagoo dhanka kalena saxaafadda ugu baaqey inay ka qeyb qaadato nabadeynta iyo dib u dhiska dalka.

Ugu dambeyntii, shirka wasiirada arrimaha dibedda ee IGAD oo maanta soo xirmey ayaa qodobada ugu muhiimsan ee ku xusnaa war murtiyeedka waxaa ka mid ah in shirka soo socda ee madaxda IGAD uu ka dhaco Muqdisho, lana sii wado taageerada loo fidinayo Soomaaliya.

Dhammaad

Previous Post

Liverpool oo Ka Adkaatay Kooxda Sunderland “SAWIRRO”

Next Post

Kooxda Chelsea oo Badisay iyo Manchester City oo Bareejo Lagu Celiyay “SAWIRRO”

Next Post
Kooxda Chelsea oo Badisay iyo Manchester City oo Bareejo Lagu Celiyay “SAWIRRO”

Kooxda Chelsea oo Badisay iyo Manchester City oo Bareejo Lagu Celiyay “SAWIRRO”

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In